Home Wararka Maanta Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku guuleysatay in la baajiyo shirka Kismaayo

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku guuleysatay in la baajiyo shirka Kismaayo

by Laacib

Shirkii lagu waday in 10-ka illaa 15-ka bishan uu ka furmo Magaalada Kismaayo ayaa mar keliya damay, iyadoo isbahaysiga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay isugu tagayaan Magaalada Nairobi.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta iyo Madaxweyneyaasha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa tagaya Nairobi, iyagoo ka jawaabaya shir ay ugu baaqday Dowladda Kenya.

Shirka Kismaayo ayaa lagu waday in looga hadlo is mari-waaga ka taagan nooca doorasho ee dalka laga qabanayo sanadka 2026.

Shirka Nairobi ayaa sidoo kale looga hadlayaa xaaladda guud ee dalka, inkastoo ay ka maqan tahay Dowladda Federaaka, oo aan la sheegin in shirkaasi lagu soo martiqaaday.

Warbaahinta ayaa fahamsan in shirkan ay ka soo shaqeysay Villa Somalia, iyadoo ka carareysa in go’aamo xasaasi ah laga soo saaro shirka Kismaayo, oo ku aaddan jihada uu dalka aadayo, marka uu dhammaado muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Villa Somalia ayaa la aaminsan yahay in ay dadaal badani ku bixisay, sidii xilligan loo baajin lahaa shirka Kismaayo, iyadoo u mareysa diblomaasiyiinta shisheeye ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo qayb ka ah siyaasiyiinta lagu soo casuumay shirka Nairobi ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in aanu ka qaybgeli doonin shirkaasi.

Inkasta oo Farmaajo lagu tiriyo mucaaradka Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan haddana qayb ka ahayn garabka isbahaysiga ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.

Si kastaba ha-ahaatee shirkan ayaa lagu wadaa in Sabtida uu ka furmo Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc