Home Wararka Maanta Nin ismiidaamiye ahaa oo laga hor istaagay in uu galo Xerada General Dhega-badan

Nin ismiidaamiye ahaa oo laga hor istaagay in uu galo Xerada General Dhega-badan

by Laacib

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa caawa sheegay in ciidamadu ay toogteen nin isku soo xiray walxaha qarxa, oo doonayay in uu gudaha u soo galo Xerada General Dhega-badan ee Magaalada Muqdisho.

“Ciidanka oo feejignaan buuxda ku jiray ayaa toogtay naftii halligaha, ka dib markuu isku dayay in uu galo xerada.” Ayuu talisku ku sheegay warka kooban oo uu soo saaray.

“Qaraxaas wuxuu sababay dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah ilaalada xerada.” Ayuu lagu yiri warka oo intaasi ku daray “Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijinaya in amniga xerada iyo guud ahaan nawaaxigeeda uu yahay mid sugan.”

Xerada General Dhega-badan ayaa waxaa lagu tababaraa dhallinyarada qoraneysa inay ka mid noqoto Ciidanka Xoogga Dalka.

Weerarada qaraxyada ay Al Shabaab soo abaabusho ayaa sanadihii la soo dhaafay ku soo badanayay xeradan.

Xeradan ayaa 20-kii bishii November ee sanadkii 2015 loogu magac-daray Allaha u naxariistii Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan), oo ku geeriyooday weerar ay dableyda ka tirsan Al Shabaab 1-dii bishaasi ku qaadday Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Xeradan oo ku taala Degmada Wadajir ayaa horey loo oran jiray Jaziira ama Warshaddii Nacnaca, waxayna ku taallaa meel ku dhow Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc