Home Wararka Maanta Hawlgalka lagu xoreynayo Jamaame oo sii daba dheeranaya

Hawlgalka lagu xoreynayo Jamaame oo sii daba dheeranaya

by Laacib

Hal bil ayaa laga joogaa, markii ciidamadu ay 12-kii bishii November bilaabeen hawlgalka la qorsheeyay in lagu xoreeyo Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Xoogga Dalka, Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland oo loo soo abaabulay inay maleeshiyada Al Shabaab ka saaraan degmadaasi ayaa maleeshiyada dagaalo is daba joog ah kula galay deegaanada qaar ee hoostaga Jamaame.

Ciidamada ayaa bilowgiiba diiradda saaray, sidii ay maleeshiyadaasi uga saari lahaayeen deegaanada dhaca jiinka Webiga Jubba, isla-markaana hoostaga magaalada, taas oo aan illaa iyo hadda u suurtagelin.

Dagaal-yahanada Al Shabaab ayaa jilbaha ku aastay dhufeysyada ay ka qoteen dhulka hawdka ee ku teedsan webiga jiinkiisa, waxayna hortaagan yihiin in ciidamadu ay halkaasi ka soo galaan magaalada.

Shabaabka ayaa waxay kaloo hortaagan yihiin in ciidamadu ay waddada laamiga ee tagta Jamaame uga soo gudbaan dhinaca deegaanka Kabsuuma, iyagoona si koox koox ah ugu sugan hareeraha waddadaasi oo geedo badan ay qariyeen.

Hawlgalka oo saddexdii toddobaad ee ugu horreysay si dardar leh ku socday ayaad hadda arki kartaa in sidii hore uusan u socon.

Ciidamada ayaa caqabad weyn kala kulmay, sidii ay foodda ugu wada gelin lahaayeen dhulka geedaha badan leh ee gaashaanka u noqday Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in hawlgalku uu haatan hakaday, ka dib markii ciidamadu ay ku adkaatay in ay ka gudbaan difaacyada dhexe ee ay Al Shabaab ku leedahay bannaanada magaalada.

Hase yeeshee saraakiisha ku dhow dhow Taliyaha Qaybta 43aad ee Militariga Somaliya, Korneyl Nuur Mahad Xasan ayaa kuu sheegaya in aanu waxba iska bedelin qorshaha kooxaha argagixisada looga saarayo Jamaame, isla-markaana uu hawlgalku socdo.

Warbaahinta ayaa fahamsan in ciidamadu ay dhawaan dib uga soo baxeen qaybo ka mid ah dhulkii ay bilowgii hawlgalka isku fidiyeen, taasna ay ka dambeysay, markii ay hore u sii socon waayeen.

Mintidiinta Al Shabaab ayaa horey ugu guuleystay inay fashiliyaan isku dayo dhowr ah, oo qorshuhu ahaa in ciidamadu ay kula wareegaan gacan ku haynta Jamaame.

Shabaabka oo 17 sano ka arriminayay magaaladan ayaan si fudud ku lumin karin gacan ku haynteeda, marka aad eegto ahmiyadda ay u leedahay joogitaankooda Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Waxa Shabaabku ay ugu fara-adeygayaan Jamaame waa inay tahay isha ugu weyn ee lagaga soo duuli karo Jilib. Jilib ayaa waxay Shabaabku ku leeyihiin xaruntooda ugu weyn ee dalka, iyagoona ku dhawaad muddo 18 sano ah maamulayay.

Magaaladan ayaa waxaa la tilmaamaa in saraakiisha sarsare ee Al Shabaab ay si firfircoon u joogaan, isla-markaana ay ku nafisaan, maadaama aysan ku badneyn weerarada xagga cirka.

Si kastaba ha-ahaatee xoreynta Degmada Jamaame ayaa carqaladeynaysa in Shabaabku ay si buuxda u haystaan Gobolka Jubbada Dhexe, oo ah gobolka qura ee dalka ee ay ka wada arrimiyaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc