Home Wararka Maanta Wasiirka Ganacsiga oo maanta lagu dhaariyay Xarunta Golaha Shacabka (SAWIRRO)

Wasiirka Ganacsiga oo maanta lagu dhaariyay Xarunta Golaha Shacabka (SAWIRRO)

by Laacib

Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Somaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta lagu dhaariyay Xarunta Golaha Shacabka (Villa Hargeisa) ee Magaalada Muqdisho.

Habdhowraha Golaha Shacabka, Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa Wasiirka cusub ku hor dhaariyay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Sabtidii soo magacaabay Jamaal Maxamed Xuseen, isaga oo bedelaya Maxamuud Axmed Aadan (Gesood), oo muddooyinkan ku magacawnaa Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa lala magacaabay Ayuub Ismaaciil Yuusuf, oo loo magacaabay jegada Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta.

Ayuub Ismaaciil oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa bedelaya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo xilkan hayay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc