Home Wararka Maanta General Mahad Cabdiraxmaan oo kormeeray dhismaha xabsiga Dhuusamareeb

General Mahad Cabdiraxmaan oo kormeeray dhismaha xabsiga Dhuusamareeb

by Laacib

Dowladda Somaliya ayaa u dhaqaaqday dhismaha xabsi laga dhisayo afaafka hore ee Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Dhismaha xabsiga ayaa bilowday goor sii horreysay, waxaana maanta kormeeray Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo maalintii labaad booqaho ku jooga Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa u mahadceliyay dadkii ku deeqay dhulka laga dhisayo xabsiga, isla-markaana suurtageliyay in dhismaha xabsigan laga bilaabo magaalada.

“Waxaan u mahadcelinaynaa raggii masuuliyiinta ahaa ee dhulkan dhiibay oo ugu deeqay ummadda, gaar ahaan Ciidanka Asluubta.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa waxa kaloo uu yiri “Walaalayaal wax bilowday waa dhamaasho. Waxaan u imid in wixii aan isku ogayn in la bilaabay aan sheego, qaybihii kalena, sidii loo dhamayn lahaa inaan dadka kala tashano.”

General Mahad Cabdiraxmaan ayaa xabsiga ku tilmaamay dhaxal dhaqan toosin ah, isagoona dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacan ka gaystaan dhameystirka dhismaha xabsiga ee socda.

“Xabsigan waa dhaxal, dhaxal dhaqan toosin waaye, wax la heli karo ma ahan. Nin walba inuu niyadiisa geliyo qof yar iyo qof weynba, sidii uu uga qayb qaadan lahaa oo loo hirgelin lahaa oo berri loogu intifaaci lahaa. Arrinta la rabo waa intaas, waana mahadsan tihiin, shaqadiina sida ay u socoto waad aragtaan, kana tagi mayno, illaa meel lagu ogaado.”

Duqa Dhuusamareeb, Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qarow) ayaa 3-dii bishan sheegay in Dowladda Hoose ee Dhuusamareeb ay wixii karaankeeda ah kaga qayb qaadan doono hirgelinta Xabsiga Dhexe ee Dhuusamareeb, sida uu yiri.

Geeda-qarow ayaa dadka reer Galmudug, gaar ahaan bulshada Dhuusamareeb ku amaanay in ay si xilqaan ah ku dhiseen Xarumaha Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Galmudug ee horaan laga dhisay magaalada.

Geeda-qarow ayaa dadka reer Galmudug ugu baaqay in ay taageeradooda ku yaboohaan, si loo xaqiijiyo hirgelinta dhismaha xabsigaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc