Home Wararka Maanta Shabaabka qabsaday Kudhaa oo duqayn ay ku socoto

Shabaabka qabsaday Kudhaa oo duqayn ay ku socoto

by Laacib

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ayaa duqayn ku bilaabay maleeshiyada Al Shabaab ee waaberigii Arbacadan weerarka ku qabsaday deegaanka Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose.

Tallaabadan ayaa u muuqato mid Al Shabaab dib looga riixayo deegaankan oo hoostaga Degmada Badhaadhe, isla-markaana ah jasiirad muhiim ah oo ku taala meel istiraatiiji ah.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka qayb qaadanayaan hawlgalka hawada ee Al Shabaab looga saarayo deegaankaasi, bacdamaa uu deegaankan ku dhow yahay xuduudda labada dal.

Boqolaal nin oo maleeshiyada Al Shabaab ah ayaa saaka weerar xoogan ku qaaday deegaankaasi, iyagoona dagaal xoogan kula galay Ciidanka Jubbaland, ka hor inta aan ciidamada dibadda looga saarin deegaankaasi.

Ciidamada ayay wararku sheegayaan in haataan ay dhaqdhaqaaq ka wadaan afaafka hore ee deegaankaasi, ayna suurtagal tahay in ay dib ugu soo rogaalceliyaan.

Warbaahinta Jubbaland ayaa sheegtay in ciidamadu ay fashiliyeen weerar ay kooxaha argagixisada ku soo qaadeen deegaanka istiraatiijiga ah ee Kudhaa, laakiin dadka deegaanka waxay xaqiijiyeen in ciidamadu ay lumiyeen gacan ku haynta saldhiggii weynaa ee ay halkaasi ku lahaayeen iyo guud ahaanba deegaanka.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland oo codsaday inaanan magacooda Warbaahinta loo adeegsan ayaa Universaltv u sheegay in uu socdo hawlgal ballaaran, kaas oo ciidamadu ay dib ugu qabsanayaan Kudhaa.

Dagaalka ayaa saaka lagu dilay tiro ka mid ah Ciidanka Jubbaland, waxayna Al Shabaab soo bandhigtay sawirrada askar ay sheegtay in dagaal-yahanadeeda ay dagaalka ku dileen.

Ma cadda khasaaraha gaaray maleeshiyada Al Shabaab, illaa iyo haddana lama sheegin wax rayid ah oo la ogyahay in ay dagaalka ku dhinteen, waxaase xusid mudan in qaar ka mid ah dadka deegaanka ay ka carareen guryahooda, si aan loo beegsan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc