Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa maanta sheegay in Yurub ay ku socoto jiho khaldan, xilli uu ka hadlayay Shirka Dhaqaalaha Adduunka looga hadlayo ee ka socda goobta loo dalxiiska tago ee Davos ee ka taala Switzerland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uu jecel yahay Yurub iyo inuu arko Yurub oo si wanaagsan u socota, balse aysan ku socon jihada saxda ah.
“Waan jeclahay Yurub, waxaana doonayaa inaan arko Yurub oo si fiican u socota, laakiin kuma socoto jihada saxda ah.” Ayuu yiri Madaxweynuhu, xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay damaciisa uu ku doonayo in uu ku qaato Jasiiradda Greenland ee Denmark.
Madaxweyne Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in meelaha qaar ee Yurub aan si dhab ah loo aqoonsan karin, isaga oo ula jeedo in dib u dhac uu ka jiro.
Trump ayaa shirka sanadlaha ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee WEF ka sheegay in dalkiisa Mareykanka uu yahay motoorka dhaqaalaha meeraha.
“Markay America kor u kacdo, adduunka oo dhan ayaa kor u kaca.” Ayuu yiri Trump oo Yurub iyo dunida kaleba ugu yeeray in ay Mareykanka soo raacaan.
Trump ayaa walaac ku abuuray xulafadiisa Yurub, ka dib markii uu dhowr jeer oo hore uu sheegay inay ka go’an tahay inuu helo Greenland.
Warbaahinta reer galbeedka ayaa ku warameysa in shirka Davos uu hareeyay riixitaanka Trump, ee ah in Greenland la hoos keeno Mareykanka, taasoo Yurub ay si weyn uga soo horjeeddo.
