Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa gaashaanka u daruuray warka ka soo yeeray Militariga Israel, isla-markaana ay ku sheegeen in duqaymihii ay maanta ka gaysteen Marinka Gaza ay jawaab u ahaayeen xadgudub ay sheegeen in lagu sameeyay heshiiska xabad joojinta Gaza.
Ururka Xamaas ayaa warka Militariga Israel ku sheegay been abuur iyo marin habaabin, isla-markaana weeraradan ay ka gaysteen Gaza ay yihiin dembi bareer ah iyo xadgudub cad oo Israel ay ku sameysay xabad joojinta.
Xamaas waxay sheegtay inaysan marnaba iyadu ku xadgudbin heshiiska, balse ay Israel tahay midda aan heshiiska ixtiraamin.
Xamaas ayaa damaanad qaadeyaasha caalamiga ah ugu baaqday inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu joojinayo, waxa ay ku sheegtay isku dayada ay Israel ku wiiqeyso xabad joojinta iyo in lagu khasbo fulinta heshiiska.
Xamaas ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xadgudubyada ay mar walbaba Israel ku sameynayso xabad joojinta ay uga dan leedahay inay indhaha qabato dalalka dhexdhexaadiyeyaasha, si ay u muujiso inaanan la xakamayn karin.
Xamaas ayaa ka digtay in la dhageysto sheekooyinka bay tiri aan salka iyo raadka lahayn ee lagu baneysanayo dhiigga dadka rayidka ah.
Ugu yaraan 32 qof oo ay ku jiraan lix carruur ah ayaa lagu dilay weerarada Israel, iyadoo tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen weeraradaasi.
Weeraradan ayaa imanaya, xilli lagu wado in Israel ay Axadda berrito ah furto Isgoyska Rafah ee ku yaala xuduudda Marinka Gaza iyo Masar.