Dalalkan reer Yurub ayaa Dowladda Iran ugu baaqay in ay joojiso weerarada baahsan ee ay ku garaaceyso dalalka Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan kuwa deriska la ah.
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer iyo Hoggaamiyaha Jarmalka, Friedrich Merz ayaa bayaan wadajir ah ku cambaareeyay weerarada Iran, oo ay ku sheegeen kuwo aan kala sooc lahayn oo xad dhaaf ah.
Hoggaamiyeyaashan ayaa ku hanjabay in ay qaadi doonaan tallaabooyin difaac oo lagama maarmaan ah, oo looga hortagayo gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran, haddii ay weerarada Tehran sii socdaan.
Bayaanka ayay ku sheegeen in tallaabooyinkan ay ku ilaalin doonaan danahooda Bariga Dhexe iyo kuwa xulafada ee gobolka.
Waxay ka diggeen inay Iran sii waddo gantaaladeeda ay sheegeen aan loo meel dayeynin, isla-markaana ay oodda kaga qaadeyso gobolka oo dhan.
Macron, Starmer iyo Merz ayaa bayaankooda ku sheegay in weerarada aan ka fiirsiga lahayn ee Iran ay halis gelinayaan askarta iyo dadka rayidka ah, labadaba.
“Waxaan ugu baaqaynaa Iran inay si degdeg ah u joojiso weeraradan aan laga fiirsan.” Ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanka ayaa intaasi ku daray “Waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin aan ku difaacayno danahayaga iyo kuwa xulafadayada ee gobolka, taasoo suurtagal ah in aan awoodno tallaabo difaac ah oo loo baahan yahay, si loo burburiyo awoodda Iran ee ah inaan ku joojino gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka soo baxaya.”
Iran ayaa Axaddii qaadday weerar ka ballaaran midkii Sabtidii, saacado uun ka dib, markii ay Tehran ku dhawaaqday in Mareykanka iyo Israel ay duqayn ku dileen Hoggaamiyihii ruuxiga ee dalkaasi, Ayatollah Ali Khamenei.
Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa shalay sheegay in aysan jiri karin wax ka reebi kara in qaranku uu ka aarguto gardarrada Mareykanka iyo Israel.