Raysal Wasaaraha Canada, Mark Carney ayaa Hoggaamiyeyaasha Mareykanka iyo Israel ugu baaqay in la dejiyo xiisadda ka aloosan Gobolka Bariga Dhexe.
Raysal Wasaaraha ayaa Madaxweyne Donald Trump, Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan, sidii loo joojin lahaa colaadda gobolka, isla-markaana ay ixtiraamaan xeerarka caalamiga ah.
“Canada waxay ku baaqeysaa in si degdeg ah loo dejiyo colaadda, waxayna diyaar u tahay inay gacan ka gaysato gaaritaanka yoolkan.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Canada oo Arbacadan Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Sydney oo booqasho uu ku joogo.
Raysal Wasaare Carney ayaa sheegay in wada hadal diblomaasiyadeed, oo ay la socoto go’aan adag oo lagu gaarayo xal siyaasadeed oo ballaaran ay muhiim u yihiin rabshadaha iyo ka hortagga in dagaalku uu sii fido.
Xiisadda Bariga Dhexe ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii Mareykanka iyo Israel ay 28-kii bishii February weerareen goobo ku yaala gudaha Iran, isla-markaana ay dileen xubno uu ka mid ahaa hoggaamiyihii ugu sarreyay ee dalkaasi, Ayatollah Ali Khamenei.
Dagaalka ayaa tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay si xoog leh ugu fiday meelo ka baxsan xuduudaha Iran, iyadoona Iran ay garaacday bartilmaameedyada iyo danaha Mareykanka ee gobolka iyo weliba dhulka Israel.
Mr. Carney ayaa dhammaan dhinacyada ugu yeeray in ay ilaaliyaan nolosha dadka rayidka ah, isla-markaana ay muujiyaan inay ka go’an tahay helitaanka heshiisyo waara, oo lagu xakameynayo faafitaanka hubka nuclear-ka iyo xagjirnimada.