Dowladda Pakistan ayaa Iran iyo Mareykanka ku soo martiqaadday wada hadal ay maalinta Jimcaha ku yeelanayaan Caasimadda Islamabad, ka dib xabad joojintii labada toddobaad ee ay labada dal ku heshiiyeen.
Raysal Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa sheegay inuu ku casuumay Mareykanka iyo Iran inay ku kulmaan Islamabad, si ay wada hadalo dheeraad ah u yeeshaan.
Raysal Wasaare Sharif ayaa qoraal ku sheegay in Washington iyo Tehran ay ku heshiiyeen xabad joojinta, taasoo uu uga mahadceliyay madaxda labada dal.
Sharif ayaa dhinacyada ku booriyay in ay soo diraan ergooyinka uga qaybgelaya wada-xaajoodka, si loo gaaro heshiis dhameystiran oo lagu xalinayo dhammaan waxa asalka u ah dagaalka.
Pakistan ayaa loo arkaa dal macquul ah oo dhexdhexaadiye ka noqon kara colaadda Bariga Dhexe, marka aad eegto in ay Iran deris yihiin iyo xiriirka kala dhaxeeya Mareykanka.
Shehbaz Sharif, Raysal Wasaaraha Pakistan ayaa 24-kii bishii March labada dal ugu baaqay inay ogolaadaan in dalkiisu uu dhexdhexaadiye ka noqdo xiisadda labada dhinac, inkastoo xilligaasi ay diblomaasiyadda u muuqatay mid adag, haddana Sharif ayaan wax quus ah ka muujin dalabkiisa dhexdhexaadinta ee dhinacyada.
Ka dib ku dhawaad lix toddobaad oo duqaymo la isku dhaafsanayay Bariga Dhexe, xaaladda gobolka ayaa u muuqato mid ka soo reynaysa.
Mareykanka iyo Iran ayaa si lama filaan ah xalay ugu heshiiyay xabad joojin 15 maalmood ah, oo lagu xaqiijinayo in la soo afjaro dagaalka, iyadoo cabsida gobolka ay Talaadadii shalay gaartay meeshii ugu sarreysay.