Ciidanka Cirka Israel ayaa maanta garaacay duleedka koonfureed ee Magaalada Beirut, iyadoo Talaadadii Israel iyo Lubnaan ay yeesheen wada hadal uu Mareykanku garwadeen ka ahaa.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in la sii wadi doono weerarada ka socdo Koonfurta Lubnaan ee ka dhanka ah Ururka Xisbullah, laakiin weeraradaasi ayaa galaaafanaya nolosha dad badan oo rayid ah.
Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA ayaa ku warantay in weeraradii Arbacadan ee ka dhacay dalka ay ku dhinteen ugu yaraan 13 qof, wax ka yar 24 saac ka dib, markii ay kulmeen Ergada Lubnaan iyo Israel ee ku sugan Mareykanka.
Wakaaladda Wararka NNA ayaa tebisay in duqaymo ay Israel ka gaysatay Magaalada Jbaa ay ku dhinteen lamaane, wiil ay dhalleen iyo gabar ay soddoh u ahaayeen. NNA ayaa waxay kaloo sheegtay in shan qof lagu dilay Magaalada Ansariyeh, afar kalena lagu dilay deegaanka Qadmus.
Warbaahinta maxaliga ayaa sheegtay in mid ka mid ah weerarada xagga cirka ee Israel in lagu beegsaday gaari marayay deegaanka Jiyeh oo 23km dhinaca koonfureed uga beegan Caasimadda Beirut. Weerar kale oo dheeraad ah oo Israel ay qaadday ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday gaari kale oo marayay magaalada xeebta ku taal ee Sadiyat. Faah faahinta khasaaraha ee weeraradan ugu dambeeyay ayaana soo baxaya.
Dhanka kale Magaalada Beirut oo kale ayaa waxaa ka jira carro dadweyne oo lagaga soo horjeedo wada hadalada ay dowladdu la bilowday Israel, iyadoo ay dadku aaminsan yihiin inaanan lala fariisan Israel, inta ay sii waddo weerarada aan kala sooca lahayn ay dalka ka gaysaneyso.
Waxa ay dadku rabaan ayaa ah in la soo afjaro weerarada Israel, ka dib in ka badan laba kun oo qof oo ku dhintay duqaymaheeda, tan iyo 2-dii bishii March oo dagaalka Xisbullah iyo Israel uu dib u soo cusboonaaday.
Hoggaamiyaha Xisbullah, Naim Qassem ayaa Axaddii ka digay in dowladda dalkaasi ay wada hadal la gasho Israel, iyadoo ay xabaddu socoto.
Xildhibaan Hassan Fadlallah oo ka mid ah Xildhibaanada Xisbullah ku metela Baarlamaanka Lubnaan ayaa sheegay in wada hadal lala galo cadowgu ay khalad tahay, haddii aanu diyaar u ahayn xabad joojin la sameeyo wada hadalada ka hor.
Kulanka shalay dhex maray Ergada Lubnaan iyo Israel ayaa waxaa martigeliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio oo ku baaqay in wada hadalada la sii wado, mana soo hadal qaadin xabad joojinta haatan loo baahan yahay in laga sameeyo dalkaasi Lubnaan.
Ergada Lubnaan ayaa la fariistay Ergada Israel, xilli kulanka ka hor ay Israel meesha ka saartay dalabka Lubnaan ee ku aaddan in xabad joojin laga sameeyo dalkaasi.
Xildhibaan Hassan Fadlallah ayaa doorashada dowladda dalkaasi ee wada hadalka lala bilaabay Israel ku sheegay mid aan sax ahayn, oo loo baahnaa in aad looga fiirsado.
Xildhibaan Fadlallah ayaa ka digay kala qaybsanaan gudaha ah, isagoona ku baaqay in hal meel looga soo jeesto Israel, oo uu ku sheegay cadowga ay leeyihiin. Xildhibaanka oo shir jaraa’id ku qabtay Beirut ayaa Madaxda Qaranka ku eedeeyay in ay dalka ku wadaan mid aan ka hortagi karin qorshaha ay Israel damacsan tahay in ay dhulka cusub uga qabsato koonfurta dalkaasi.
“Dowladda hadda jirta ma aysan fulin rajada shacabka, waxayna ku guuldareysatay inay fahamto iska caabinta.” Ayuu yiri Xildhibaan Fadlallah, isaga oo dowladda ku dhalleeceeyay tanaasulaadkeeda Israel iyo inay waddo siyaasad ay shacabka uga horkeeneyso inay diidaan Xisbullah.
Fadlallah ayaa intaasi ku daray in Xisbullah ay dooneyso xabad joojin dhameystiran ee ma ahan inay soo noqnoqdaan weerarada Israel iyo dilalka qorsheysan ay dalka ka fulineyso ee la arkay, ka dib heshiiskii xabad joojinta ay Israel iyo Xisbullah gaareen 27-kii bishii November ee sanadkii 2024.
Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa qaadacay heshiiskii xabad joojinta ee Mareykanka iyo Iran ay gaareen 7-dii bishan, kaas oo dalbanayay in muddo laba toddobaad ah xabad joojin laga sameeyo Gobolka Bariga Dhexe oo dhan. Netanyahu ayaa ka horyimid in Lubnaan ay qayb ka noqoto xabad joojintaasi, isagoona militariga faray in la sii xoojiyo dagaalka Xisbullah.