Home Wararka Maanta Shacabka ku dhaqan Dhuusamareeb oo bilaabay inay ka barakacaan guryahooda

Shacabka ku dhaqan Dhuusamareeb oo bilaabay inay ka barakacaan guryahooda

by Laacib

Wararka ka imanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay bilaabeen inay isaga barakacaan guryahooda, iyagoo ka baqdin qaba in lagu dul dagaalamo.

Magaalada ayaa waxaa ku qulqulaya ciidamo la kala safan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Galmudug, waxayna xiisadda labada dhinac ay maalin ka hor gaartay meeshii ugu sarreysay.

Dadka reer Dhuusamareeb ayaa walaac xoog leh ka muujinaya ciidamada iska soo horjeeda ee soo buuxinaya magaalada, taasoo ku khasbeysa in ay ka baxsadaan isku dhaca ciidan ee lagu sii dhawaanayo.

Xaaladda magaalada ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoona cabsida si isku mid ah looga dareemayo shanta xaafadood ee Dhuusamareeb.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in dadku ay hadda si teel teel ah uga barakacayaan xaafadaha Waaberi, Dayax, Horseed, Hodan iyo Waxarcadde, isla-markaana uu barakacu xoogeysan doono, haddii ay xabaddu ka bilaabato magaalada.

Dhuusamareeb waxay sanadihii ugu dambeeyay ahayd magaalada ugu amniga badan ee Dowlad Goboleedka Galmudug, waxayse maanta halis ugu jirtaa inay noqoto magaalada ugu nabadgelyada xun, maadaama aan la ogeyn muddada uu socon karo, haddii uu dagaal ka qarxo.

Dadka reer Galmudug, gaar ahaan kuwooda ku nool Dhuusamareeb ayaa muujinaya, sida ay uga xun yihiin waxa ka socdo magaalada, isla-markaana ay uga niyad jabsan yihiin inaanay madaxdu diyaar u ahayn in xiisadda siyaasadeed lagu xaliyo wada hadal iyo isu tanaasul.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc