Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Siyaasiyiinta Mucaaradka ugu baaqay inay taageeraan dadaalada ay dowladdu ku horimarineyso doorashooyinka dalka, si looga guuro doorashooyinkii dhowr iyo labaatanka sano wax lagu soo dooranayay.
Madaxweynaha oo Salaadda Ciidda ka dib khudbad ka jeediyay Masaajidka Isbahaysiga ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Somaliya ay dhibaatadeedu tahay siyaasad, isagoona ku baaqay inaanan wax walba la siyaasadeyn.
“Somaliya mushkiladda haysataa, mushkilad siyaasadeed waaye. Siyaasadda wax walba inaanan siyaadadeynin ayaa na laga rabaa, hannaan siyaasadeed ayaa na laga rabaa, amniga iyo dhaqaalaha inaanan siyaasadeyn, isku-duubnida iyo wadajirka ummadda inaanan siyaasadeyn. Siyaasadda sideedaba mustaqbalka iyo sidii loo qurxin lahaa ayay ka hadashaa. Ninkii mustaqbalka ra’yi ka qaba ee sida loo soconayo, loo oolaayo ee berri ra’yi ka bixin kara, waa kaas kan siyaasi waaye la dhihi karo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Ninkii berri aan ra’yi ka qabin Somaliya sida ay u ekaaneyso, dadka Soomaaliyeed hiigsiga ay tallaabsanayaan berri aanan dadka u tilmaami karin, tusi karin, kala doodi karin, kuna hagaajin karin ee ku mashquulsan shalay iyo wixii dhacay iyo shalay wixii naga khaldamay iyo shalay wixii aan waynay iyo shalay wixii naga gaabtay, hadde shalay waa shalay, ma noosoo noqoneyso. Waxaan u baahanahay haddii ay wax naga khaldameen inaan ka tashano, hadday wax noo saxmayn shalay, wixii noo saxmay inaan sii xoojino oo aan hore ugu sii socono.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku adkeystay inaanan laga laaban doonin go’aanka ay dowladdiisu dalka kaga sameynayso is bedelada, oo ay ugu horreyso hiigsiga doorashada tooska ah.
“Soomaalidu way ka maahmaahday, bartiis yaqaan barri uma kororto. Ninkii shalay wixii aan suubinay aan joogno qabo, waxaan leenahay maya. Shalay wixii aan suubinay wixii wax ugu fiicnaa ma aha, waan sii qurxinaynaa, waana sii fiicneynaynaa, maantana waxaan samaynaynaa nafteeda wixii wax ugu fiicnaa ma aha, berri ayaan ka sii qurxinaynaa oo ka sii fiicneynaynaa, laakiin haddii aan dhahno lama dhaqaaqaayo, lama soconaayo oo wixii shalayaa fiican aan joogno, ma jirto. Shalay dowladnimo ayaa noo bilaabatay, meelo fiican ayay soo martay, maantana inay sii qurxoonaatay waan aragnaa, waana sii qurxinaynaa, haddii Alle yiraahdo.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inaysan dhageysan farriimaha lagu cabsi gelinayo ee ku saabsan inuu dalku burburayo, isagoo dhanka kale ugu yeeray inay xajistaan guulaha laga gaaray dowladnimada.
“Dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay guulaha dowladnimada ah ee ay gaareen ha ilaashadeen. Amniga ha la ilaaliyo, yaanan laga tanaasulin, yaanan loo noqonin meelo xunxun, yaanan dib loo gucanin, wixii shalay la soo maray yaynaan nala fiicnaanin, aan ka taxadarno.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa dalbanaya in dalka laga qabto doorasho heshiis lagu yahay, laguna qaban karo waqtiga ugu yar, maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Hay’adaha Dowladda Federaalka. Waqtiga sharciga ee Madaxtooyada ayaa idlaaday 15-kii bishan May, iyadoo kan Labada Aqal ee Baarlamaankuna uu dhamaaday bartamihii bishii hore ee April.
Xiisadda siyaasadeed ee Somaliya ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in muddo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada uu ku egyahay 15-ka May ee 2027, taas oo ka carreysiisay isbahaysiga siyaasadeed ee Golaha Mustaqbalka Somaliya, oo ah isbahaysiga ugu weyn ee cadaadiska siyaasadeed ku haya Madaxda Dowladda Federaalka, waana kan doodda gelinaya xilalka madaxda sare.