Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa dadweyne, xubno ka tirsan masuuliyiinta maamulkiisa iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya Salaadda Ciidda kula tukaday barxadda Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb, waana markii ugu horreysay oo fagaare uu ka soo muuqdo, tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka kala dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ka dhashay hannaanka maamulka iyo doorashada lagu wado inay ka qabsoomto deegaanada Galmudug.
Madaxweynaha oo salaadda ka dib khudbad ka jeediyay goobta ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale khudbaddiisa kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, muhiimadda ilaalinta nabadgelyada, xoojinta wadajirka bulshada iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed, sida lagu sheegay war lagu daabacay bogga Madaxtooyada Galmudug.
“Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa tilmaamay in nabadgelyadu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo horumar, dowladnimo iyo adeeg bulsho oo tayo leh, isaga oo ugu baaqay shacabka Galmudug in ay garab istaagaan ciidamada ammaanka iyo hay’adaha dowliga ah.” Ayaa lagu yiri warka.
Hoggaamiyaha Galmudug oo intaasi ka dib dadka shacabka ah dhex qaaday ayaa la arkayay, iyagoo sawirran la gelaya.
Hoggaamiyaha Galmudug ayaa waxay bishan May u ahayd bishii ugu xumeyd ee xafiiska, marka aad eegto in Dowladda Federaalka ay ciriiri gelisay xilkiisa iyo inuu xitaa dib mar kale u tartamo.
Qoorqoor ayaa haatan Magaalada Dhuusamareeb wada hadal kula leh wafdi Xildhibaano ah oo ka socda dhinaca Dowladda Federaalka, kuwaas oo Isniintii gaaray magaaladaasi.
Wafdigan ayaa gaaray Dhuusamareeb, ka dib markii toddobaadkii hore ay guuldareysteen wada hadalo lagu dhexdhexaadinayay labada dhinac.
Galmudug ayaa waxay xaaladdeedu tahay mid jilicsan, iyadoona ay dad badani ka cabsi qabaan in khilaafka siyaasiga ah uu kala geeyo dadka reer Galmudug. 


















