Home Wararka Maanta Taliye Bilaal iyo ciidamo uu wato oo ku sii jeeda Magaalada Dhuusamareeb

Taliye Bilaal iyo ciidamo uu wato oo ku sii jeeda Magaalada Dhuusamareeb

by Laacib

Wararka ka imanaya Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in degmadaasi ay ka ambabaxeen gaadiid dagaal, oo ay wataan ciidamo uu hoggaaminayo Gaashaanle Cali Faarax Maxamed Bilaal oo ka tirsan Saraakiisha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ku sii jeedaan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, ka dib amar ay ka heleen Wasaaradda Gaashaandhiga oo la xiriira inay taggaan magaaladaasi.

Gaashaanle Cali Faarax Maxamed Bilaal oo hadda ku magacaaban Taliyaha Ururka 241aad, Guutada 24aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hoggaaminaya ciidamo isugu jira Kumaandooska Gorgor iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Daraawiishta Galmudug ayaa ah ciidan cusub oo dhawaan tababar ku dhameystay Dugsiga Tababarka Daraawiishta Galmudug ee Indha-qaris oo ku yaala duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Taliye Bilaal ayaa muddo dheer ka tirsanaa Saraakiisha Xoogaga Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, iyadoona sanadkii hore ay qarameysay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana daba-yaaqadii bishii October loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ururka 241aad ee Militariga Somaliya.

Bilaal iyo ciidamada uu horkacayo ayaa waxay u muuqdaan kuwo sugi doona amniga Liibaan Axmed Xasan, oo lagu wado inuu noqdo musharaxa Ururka JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaamiyo uga qaybgelaya doorashada madaxtinimada Galmudug.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in musharaxnimada Liibaan Axmed Xasan ee madaxtinimada Galmudug lagaga dhawaaqi doono Dhuusamareeb.

Musharaxnimada ninkan ayaa waxaa ka hortimid beesha Dhuusamareeb, oo diidan in musharax aan beeshaasi u dhalan lagu taageero inuu noqdo hoggaamiyaha soo socda ee Galmudug.

Siyaasiyiinta, odayaasha, waxgaradka iyo ganacsatada beesha ayaa ku doodaya in jufooyinka beesha aqlabiyadda Gobolada Dhexe ay heshiis ku yhiin in jufo kastaa ay mar qabato Hoggaanka Galmudug, isla-markaana haatan la joogo waqtigii ay iyagu qaban lahaayeen.

Hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo dhaqanka ee beesha ayaa cabashadooda u gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaadse mooddaa inaanan la dhageysaneyn.

Masiirka siyaasadeed, amni iyo wadajirka dadka reer Galmudug ayaan la aqoon, waxa uu ku dambayn doono.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc