Xaalad aad u khalafsan ayaa ka jirta gudaha Galmudug, iyadoo dadka ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb ay hadal hayaan suurtagalnimada in dagaal uu ka dhaco magaaladaasi.
Dhuusamareeb iyo qaybo ka mid ah Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaq ciidan, kaas oo la xiriira masiirka amni ee magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay riixeyso inay ciidamadeedu la wareegaan gacan ku haynta Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, halka ciidamada taageersan Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ay wadaan abaabul ay kaga hortaggayaan in maamulka laga fara maroojiyo Dhuusamareeb.
Ciidamo isugu jira Daraawiishta Galmudug iyo maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan, lana safan Madaxweyne Qoorqoor ayaa u diyaarsan inay difaacaan Hoggaamiyaha Galmudug iyo magaaladaba, haddii Madaxda Dowladda Federaalka ay amar ku bixiyaan in la qabto Dhuusamareeb.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa doonaya in is bedel siyaasadeed laga sameeyo Galmudug iyo in doorashada madaxtinimada Galmudug ee la qabanayo bisha July lagu doorto musharaxa Urur Siyaasadeedka JSP ka iman doono, welibana ay u badan tahay inuu noqdo ganacsadaha lagu magacaabo Liibaan Axmed Xasan, haddii uusan is bedelin mowqifka taageerada Villa Somalia ee ninkaasi.
Beesha degan Dhuusamareeb ayaa gebi ahaanba diidan in Liibaan Axmed Xasan uu noqdo Madaxweynaha soo socda ee Galmudug, iyadoo u aragto in beesha uu ka dhashay aysan markan u lahayn tookada inay hoggaamiso Madaxtooyada Galmudug.
Hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo dhaqanka ee beesha Dhuusamareeb qaar ka mid ah ayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka uga digaya in uu colaad ka dhex huriyo dad walaalo ah oo nabad ku wada nool.
Maleeshiyada beesha ayaa Khamiistii lagu arkay Dhuusamareeb, iyagoo wata gaadiidka dagaal, isla-markaana aad mooddo in ay si toos ah ugu xiran yihiin Maamulka Madaxtooyada Galmudug ee Qoorqoor uu hoggaamiyo.
Xubno ka mid ah haldoorka beesha ayaa qalabka Warbaahinta ka sheegaya in Qoorqoor loo daayo inuu sii hoggaamiyo Galmudug, haddii kalena siyaasiyiinta beeshaasi loo ogolaado tookada ay u leeyihiin inay qabtaan talada Galmudug.
Qoorqoor oo ah ninka hadda madaxda u ah Galmudug ayuu Dastuurka Galmudug u ogolaanayaa in mar labaad uu tartamo, waana sababta beesha Dhuusamareeb aysan u diidaneyn in mar kale la doorto, balse haddiiba la bedelayo uu keliya bedeli karo siyaasi ama musharax u dhashay beeshaasi.
Dhanka kale odayaasha, waxgaradka iyo siyaasiyiinta deegaanada Galmudug ayaa ka shaqeynaya, sidii doorashada looga dhigi lahaa mid daahfuran oo si xor iyo xalaal ah ay ugu tartami karaan dadka daneynaya inay hoggaamiyaan Galmudug, dhowrka sano ee ina soo aaddan.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Qoorqoor uu diyaar u yahay in Galmudug laga qabto doorasho aan hal dhinac ahayn, laakiin wixii ka baxsan aanu ogolaan doonin.
Lama oga in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay taageeri doonto dadaalada socda ee doorashada looga dhigayo mid u dhaxeysa danleyda siyaasadda oo dhan iyo in kale.
Dadka reer Galmudug ayaa isha ku haya xiisadda taagan, oo ay garowsan yihiin inay khatar dhab ah ku tahay jiritaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, isla-markaana kala fogeynaysa.