Home Wararka Maanta Ololaha dhul boobka Muqdisho oo xiisad ka kiciyay magaalada

Ololaha dhul boobka Muqdisho oo xiisad ka kiciyay magaalada

by Laacib

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sii xoojineysa ololaha lagu burburinayo guryaha ee ka socdo Magaalada Muqdisho, iyadoo haatan laga hadlayo in uu dhammaaday muddo xileedkii Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, isla-markaana aysan Villa Somalia haynin tubtii jidka doorashada.

Hawlgalka Cagafta ee lagu burburinayo guryaha la degan yahay ayaa xiisad ka kiciyay magaalada ugu weyn dalka ee Muqdisho, wuxuuna qof kasta oo iska leh hantida maguurtada uu halis ugu jiraa in laga barakiciyo gurigiisa oo laga la wareego dhulka uu milkiyadda u leeyahay, iyadoo aan la eegayn dokumintiisa.

Xubno ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed iyo dad kaloo hantiileyaal ah, ayna ku jiraan qurbajoog ayaa Dowladda Federaalka ku hoggaaminaya in ay sharciga ka tallaabsato, isla-markaana sifo aan sharci ahayn ay ugu saxiixdo dhulka ay daneynayaan, kaas oo laga yaabo in mararka qaar ay horey ugu waayeen lacag kastoo ay ku raadsheen.

Tani ayaa waxay reer Muqdisho ku riixeysaa in ay guryahooda beeciyaan, ka hor inta aysan ku iman cagafta ay laamaha amniga ku burburinayaan guryaha gaarka loo leeyahay iyo goobaha kale ee danta guud, waxayna sidoo kale keeneysaa in dadka diidan in ay guryahooda iibiyaan ay gacmaha ula taggaan hay’adaha ammaanka.

Arrinta walaaca ugu weyn ku dhalisay dad badan oo reer Muqdisho ayaa ah inaaanu jirin garsoor ka madaxbannaan siyaasadda oo si sharci ah ku difaaci kara hantidooda.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si adag loogu dhalleeceeyay inaysan diyaar u ahayn inay ka garnoqdo kiisaska dadka ka cabanaya in hantooda la xoogay ee sharciga u soo doonanaya in ay caddaalad ka helaan. Garsooreyaasha Maxkamadda ayaa lagu eedeeyay in ay dadka ka hor istaagayaan inay furtaan gal dacwadeed, si ay dacwad ugu soo oogaan kuwii dhulkooda boobay.

Dowladda Hoose ee Xamar ayaa hormuud ka ah Hawlgalka Cagafta, iyadoo adeegsaneysa Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare, oo u tababaran la dagaalanka argagixisada iyo ka hortagga rabshadaha & dembiyada abaabulan.

Arbacadii shalay iyo Khamiistan ayaa waxaa meelo ka mid ah Degmooyinka Dayniile iyo Heliwaa laga soo sheegay in ay isku dhaceen ciidamada iyo dadweyne isku dayayay in ay difaacdaan guryahooda oo loo soo socday in la burburiyo.

Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta sheegay in dadka reer Muqdisho uu dulqaadkii ka dhammaaday, isagoona ka digay in uu sii socdo ololaha dhul boobka.

Ex Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale waxa uu caawa ka digay in ay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh sii waddo dilka, barakicinta iyo burburinta guryaha shacabka oo uu ku sheegay wax aan la aqbali karin, isagoo intaasi ku daray in tallaabooyinkan guracan ay horseedi karaan kacdoon dadweyne iyo in shacabka ay ka niyad jabaan dowladnimada.

Sheekada ku saabsan dhulka ayaa magaalada ka noqotay waxa ay dadka ugu hadal haynta badan yihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc