Wararka ka imanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamadu ay u diyaargaroobayaan hawlgal sifayn ah, oo ay ka sameeyaan xaafadaha magaaladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in hawlgalka oo loo samayn doono qaab qarsoodi ah ay ciidamadu ku bartilmaameedsan doonaan ciidamo u daacad ah Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ee xafiiska baneeyay 30-kii bishii March.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay qalqalgelin amni ka wadaan gudaha magaalada, isla-markaana uu hawlgalkan yahay mid lagu fashilinayo in iska horkeeno laamaha amniga iyo dadka deegaanka.
“Ciidamo Daraawiish ah oo horey u sii raacay Wasiirkii hore ee Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed iyo Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa isa soo dhiibay, magaalada ayaana lagu sii daayay. Kuwii qaar ka mid ah ayaa qalqal amni ka sameynaya meelo ka mid ah magaalada.” Ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Booliska Baydhabo oo Universaltv la hadlay.
Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa la soo xigan ayaa sheegay inay hayaan xogta in ciidamadaasi ay habeenada qaar soo xirtaan tuutaha militariga, isla-markaana ay rasaaseeyaan guryaha shacabka, si ay isaga horkeenaan ciidamada amniga iyo dadka reer Baydhabo. Wuxuu sheegay in ciidamadan ay dhawaan ku lug yeesheen falal amni darro oo lagu dhaawacay askar ka tirsan ciidamada amniga.
Sarkaalkan ayaa tilmaamay in hawlgalka loo fulin doono qaab aan muuqan, iyadoo laga hortagayo in bulshada la argagax-geliyo.
Falalka amni darrada ayaa ku soo badanayay magaalada, tan iyo markii meesha laga saaray Maamulkii Madaxweyne Laftagareen.
Xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo isku dhacyada ciidan ee toddobaadyadii la soo dhaafay laga soo wariyay duleedyada magaalada ayaa cabsida ku kordhiyay reer Baydhabo.
Dadka deegaanka ayaa ka welwelsan inay kordhaan falalka amni darrada ee magaalada iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee iska soo horjeeda, haddii ay sii socdaan weerarada ay ciidamada taabacsan Laftagareen ku hayaan kontoroolada laga soo galo Baydhabo.
Weeraradan ayaa carqaladeynaya masiirka amni ee dadka deegaanka, inkastoo Ciidanka Birmadka ee Koonfur Galbeed ay Axaddii hawlgal socon doona ka bilaabeen duleedyada magaaladaasi.