Home Wararka Maanta NISA oo ka warbixisay hawlgal laga fuliyay bariga Gobolka Hiiraan

NISA oo ka warbixisay hawlgal laga fuliyay bariga Gobolka Hiiraan

by Laacib

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa Axaddan sheegtay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay weerar ka fuliyeen deegaanka Tardo ee bariga Gobolka Hiiraan.

Hay’adda Nabad Sugidda ayaa sheegtay in hawlgalka oo ahaa mid qorsheysan lagu burburiyay fariisinno iyo agab ay maleeshiyada Al Shabaab u adeegsanayeen falalka argagixiso, sidoo kalena halkaasi lagu dilay shan xubnood oo Shabaab ah.

“Hawlgalkan ayaa yimid, ka dib markii Hay’adda NISA ay heshay xog sirdoon oo lagu xaqiijiyay in deegaanka Tardo lagu uruuriyay maleeshiyaad gaaraya 25 xubnood, kuwaas oo isugu jiray qaybaha maleeshiyaadka ay ugu yeeraan jabhado, xisbo iyo xubno horjoogeyaal ah. Maleeshiyaadkan ayaa qorsheynayay dhaqdhaqaaqyo lagu qalqalgelinayo amniga iyo xasilloonida shacabka ku nool Gobolka Hiiraan.” Ayay NISA ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay.

“Ciidamada NISA iyo saaxiibada caalamka ayaa si gaar ah u bartilmaameedsaday goobihii ay Khawaarijtu gabaadka ka dhiganayeen, waxaana halkaas lagu gaarsiiyay jab culus oo wiiqay abaabulkii iyo dhaqdhaqaaqii kooxda ee deegaanka. Sidoo kale, hawlgalka ayaa lagu burburiyay xarumo iyo agab ciidan oo ay kooxdu u adeegsan jirtay isku socodka iyo maamulka maleeshiyaadkeeda.” Ayaa lagu yiri warsaaxafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa intaasi ku daray in hawlgalkan uu qayb ka yahay dadaalada joogtada ah ee lagu beegsanayo xubnaha Al Shabaab.

NISA ayaa hoggaamisa hawlgalada hawada ee saaxiibada caalamka ay Dowladda Federaalka kaga taageeraan in la garaaco meelaha qaar ee loo arko in ay khatari ka soo socoto.

Sirdoonka NISA ayaa soo uruuriya xogaha maleeshiyada iyo horjoogeyaasha Al Shabaab, ka hor inta aan xagga cirka laga duqayn.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc