Home Wararka Maanta Hoggaamiyaha KMG Koonfur Galbeed oo safarkiisii ugu horreyay ku tegay Diinsoor (SAWIRRO)

Hoggaamiyaha KMG Koonfur Galbeed oo safarkiisii ugu horreyay ku tegay Diinsoor (SAWIRRO)

by Laacib

Hoggaamiyaha KMG Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Hoggaamiyaha KMG Koonfur Galbeed oo safarka ay ku wehliyaan xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay degmadaasi.

War ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in safarkan uu yahay mid shaqo oo daaran u kuurgelidda xaaladda degmada, gaar ahaan dhinacyada amniga, arrimaha bani’aadantinimada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda degmadaasi.

“Safarkan shaqo ayaa daarnaa u kuurgelidda xaaladaha guud ee degmada, gaar ahaan dhinacyada amniga, arrimaha bani’aadanimada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay in madaxdu ay la kulmeen Maamulka Degmada Diinsoor, saraakiisha amniga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isla-markaana ay ka dhageysteen warbixino la xiriira xaaladaha ka jira iyo baahiyaha mudnaanta u leh degmadaasi.

“Safarka ayaa qayb ka ah dadaalada Dowladda Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Somaliya ay ugu kuurgelayaan xaaladaha deegaanada, si loo xoojiyo amniga, loo dardargeliyo adeegyada bulshada, loona taageero mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka.” Ayaa lagu yiri warka Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Safarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee uu Hoggaamiyaha KMG Koonfur Galbeed kaga baxo Magaalada Baydhabo, isla-markaana uu ku tago meel ka mid ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, tan iyo intii la soo magacaabay.

Hoggaamiyaha oo la magacaabay 1-dii bishii April ayaa muddadaasi ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc