Askari Faransiis ah ayaa la dilay, tiro kalena waa la dhaawacay, ka dib weerar Sabtidan lagu qaaday Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee Hawlgalka UNIFIL ee ku sugan Koonfurta Lubnaan.
Taliska Hawlgalka UNIFIL ayaa sheegay in weerarku uu ka dhacay deegaanka Ghandouriyeh, waxayna Saraakiisha Qaramada Midoobey sheegeen inay u badan tahay in ay weerarka fuliyeen Xoogaga Xisbullah.
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah askartooda uu ku dhintay weerarkaasi, saddex kalena ay ku dhaawacmeen.
Taliska UNIFIL ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in laba ka mid ah askarta dhaawacantay ay xaaladdoodu halis tahay.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in qiimaynta ugu horreyso ay muujineyso in weerarku uu ka yimid jileyaal aan dowli ahayn.
Taliska UNIFIL ayaa intaasi ku daray in uu bilowday baaritaanka, waxa ay ku sheegeen weerar ula kac ah.
Madaxweyne Macron oo khadka teleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Lubnaan, Joseph Aoun iyo Raysal Wasaare Nawaf Salam ayaa cambaareeyay weerarka.
Macron ayaa weerarka ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiskiisa Magaalada Paris.
Macron ayaa sheegay in caddeymaha, illaa iyo hadda la hayo ay farta ku fiiqayaan ururka hubeysan ee Lubnaan, wuxuuna Dowladda Lubnaan ku booriyay inay tallaabo ka qaaddo kuwa ka masuulka ah dilka iyo dhaawaca loo gaystay askartiisa ka tirsan Hawlgalka UNIFIL.
Wasiirka Ciidamada Qalabka Sida ee Faransiiska, Catherine Vautrin ayaa sheegtay in ciidamada la soo weeraray, iyagoo ku guda jiray hawlgal waddo furis ah oo ka socday meel ku dhow xuduudda Lubnaan iyo Israel, oo ku xirmay dagaaladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Israel iyo Xisbullah.
Catherine Vautrin ayaa sheegtay in askariga lagu dilay rasaas toos ah loogu soo toogtay.
Madaxweyne Joseph Aoun ayaa ka tacsiyeeyay askariga lagu dilay weerarka, wuxuuna amray baaritaan degdeg ah oo ku aaddan dhacdadaasi.
Xoogaga UNIFIL ayaa markii ugu horreysay la geeyay dalkaasi Lubnaan sanadkii 1978-kii, si ay uga hawlgalaan xuduudda Lubnaan iyo Israel, ka dib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu bishii March ee sanadkaasi uu aasaasay Hawlgalka Nabad Ilaalinta, oo lagu xaqiijinayay ka bixitaanka Ciidamada Israel ee dalkaasi, soo celinta nabadda & amniga iyo in Dowladda Lubnaan laga taageero tababarada ciidamada iyo xoojinta dowladnimada.
Ciidamadan ayaa muddo dheer dhexda uga jiray khatar dhab ah oo la xiriirta iska horimaadyada soo noqnoqday ee Militariga Israel iyo Xoogaga Xisbullah.