Xiisadda Mareykanka iyo Iran ayaa mar kale cirka isku shareertay, ka gadaal markii Ciidanka Badda Mareykanka ay Axaddii la wareegeen markab ganacsi oo laga leeyahay dalkaasi.
Markabkan oo ah nooca xamuulka, laguna magacaabo TOUSKA ayay Ciidamada Mareykanka ku weerareen Gacanka Cumaan, xilli uu ka soo laabtay Shiinaha, kuna sii jeeday Dekedaha Iran.
Militariga Iran ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka ay kor u fuuleen markabkaasi, ka dib markii ay rasaas ku fureen qaybta matoorka ee markabka, isla-markaana ay iyagu gacanta ku hayaan. Taliska ayaa wacad ku maray in ay si dhakhsa ah uga aargudan doonaan gardarrada Mareykanka.
Harlan Ullman oo ka tirsan Golaha Atlantic ee fadhigiisu yahay Mareykanka, isla-markaana fallanqeeya amniga caalamiga ah ayaa sheegay in tallaabada uu Mareykanka ku weeraray, isla-markaana uu kula wareegay markabka Iran ay la macno tahay ku dhawaaqid dagaal oo ka dhan ah Iran.
“Waa fal dagaal dhab ahaantii.” Ayuu yiri Harlan Ullman oo falka Mareykanka ku qeexay mid loogu talagalay in lagu bilaabo dagaal.
“Xaqiiqdii, waxa Mareykanku sameeyay wuxuu ahaa, marka loo eego sharciga caalamiga ah ku dhawaaqid dagaal, laakiin Congress-ka Mareykanka uma muuqdo inuu aqbalayo taas.” Ayuu yiri Ullman.
Falcelin kasta oo Ciidamada Iran ay ku bartilmaameedsadaan maraakiibta militariga iyo rayidka Mareykanka ayaa labada dal ku riixeysa dagaal cusub oo ku dhex mara Bariga Dhexe.
Xaaladda ayaa si degdeg ah uga sii dari karta, iyadoo la eegayo xaddiga weerarka aargoosiga Iran ee hadda miiska saaran.
Markabkan ayaa ah kiisii ugu horreyay ee laga leeyahay dalkaasi ee ay Ciidamada Mareykanka gacanta ku dhigaan, ka dib hal toddobaad oo ay jirsatay go’doominta uu Mareykanku ku hayo Dekedaha Iran.
Wakaaladda Wararka Tasnim oo lala xiriiriyo Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ku warameysa in Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi uu u sheegay dhiggiisa Pakistan in hanjabaadaha Mareykanka ee ka dhanka ah dekedaha iyo maraakiibta ganacsiga ee Iran, oo ay wehliyaan dalabaadka aan macquul ahayn ee Washington ay astaan u yihiin in ay khatar jirto.
“Iran waxay isticmaali doontaa dhammaan awoodaheeda, si ay u ilaaliso danaha iyo amniga qaranka.” Ayuu yiri Wasiir Araghchi, sida ay sheegtay Tasnim.
Dowladda Iran ayaan wax wafdi ah u diri doonin wareegga labaad ee wada hadalada la qorsheeyay in Tehran iyo Washington ay ku yeeshaan dalkaasi Pakistan.
Madaxweyne Donald Trump ayaa isagu sheegay in Ergada Mareykanka ay maanta tagi doonaan Magaalada Islamabad, si ay wada hadalo maangal ah ula yeeshaan kuwa Iran, ujeedaduna tahay in la gaaro heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Mareykanka iyo Israel ee Iran.
Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian ayaa Mareykanka ku eedeeyay uu ku xadgudbay ballamihii uu horey ula galay Iran, isla-markaana uu ku qiyaameeyay diblomaasiyadda.
“Sii wadidda falalka daandaansiga ah iyo kuwa sharci darrada ah ee uu dalkan ku hayo, waxa loogu yeero go’doominta dhinaca badda ee Iran waa xadgudub cad oo ka dhan ah fahamka xabad joojinta, waxayna liddi ku tahay Axdiga Qaramada Midoobey.” Ayuu Madaxweyne Pezeshkian ku sheegay bayaan xalay ka soo baxay xafiiskiisa. Madaxweynaha ayaana intaasi ku daray “Ficilada noocan oo kale ah, oo ay la socdaan hanjabaadaha ka imanaya Saraakiisha Mareykanka ee ka dhanka ah Iran, keliya waxay horseedayaan kalsooni darro sii kordheysa oo ku saabsan halista Mareykanka iyo muujinta in ka badan sidii hore ee dibloomaasiyada Mareykanka.”
Iran ayaa wada hadalada ka hor hal shuruud ku xirtay ka qaybgalka gorgortanka sare ee Islamabad, taas oo ah in uu Mareykanku joojiyo go’doominta joogtada ah ee uu ku hayo dekedaha dalkaasi, inkastoo Trump uu ka gaabsaday in uu ka jawaabo.
Tixgelin la’aanta Trump ee soo jeedinta Iran iyo diidmada Tehran ee ka qaybgalka wareegga labaad ee wada hadalada Islamabad ayaa soo dedejin kara dagaal labaad oo dhinacyada ku dhex mara gobolka, iyadoo xabad joojintii 15-ka maalmood ee horey loogu heshiiyay ay ku egtahay Arbacada.