Home Wararka Caalamka Hubka cusub ee Xisbullah oo walaac ku beeray Israel

Hubka cusub ee Xisbullah oo walaac ku beeray Israel

by Laacib

Drones-ka casriga ah ee Xisbullah ayaa dhex sabeynaya hawada Koonfurta Lubnaan iyo Waqooyiga Israel, si ay xoogageeda u bartilmaameedsadaan saldhigyada ciidamada ee gudaha Israel iyo dhulka ay ciidamadaasi ka qabsadeen xuduudda Lubnaan.

Dagaalka ayaa maalin ka hor galay bishiisii saddexaad, iyadoo uu sii xoogeysanayo duqaymaha ay labada dhinac is dhaafsanayaan iyo dagaalka fool ka foolka ah ee ku dhex maraya gudaha xuduudda Lubnaan.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbullah ay haysato ayaa hadda door weyn ka qaadanaya dagaalka labada dhinac dib uga soo dhex cusboonaaday bishii March. Saraakiisha Israel ayaa xaqiijiyay in diyaaradahaasi ay ka fara baxsanayaan gantaaladooda difaaca hawada, taas oo macnaheedu yahay inaysan diyaaraduhu gefi karin bartilmaameedkooda.

Ururka Xisbullah ayaa sheegay in Axaddii shalay ay Ciidamada Israel ku garaaceen diyaaradaha istiraatiijiga ah ee aan soo laaban, si looga jawaabo gardarrada sii socota ee cadowga.

Ururka ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee kamikaze iyo gantaalaha ka soo dhacaya Koonfurta Lubnaan ay si sax ah ugu adeegsanayaan weeraradooda jawaab celinta. Diyaaradahan ayuu Ruushku si weyn ugu isticmaalaa dagaalka Ukraine, balse kuwaan ay Xisbullah haysato ayaa ka casrisan kuwii ay horey Iran u siisay Moscow.

Wararka ayaa sheegaya inay kordheyso cabsida soo food-saartay Ciidamada Israel ee gudaha ugu jira dhulka Lubnaan, ka gadaal markii Xisbullah ay dhawaan muujisay in ay haysato hub aan la difaaci karin.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradaha Xisbullah ay si firfircoon u burburinayaan taangiyada Ciidanka Difaaca Israel ee isku dayaya in ay gaaraan Webiga Litani, oo ah meesha ay u socdaan. Webiga ayaa mara meel qiyaastii 30km u jirta xuduudda labada dal. Qorshaha Tel Aviv ayaa ah in dhulka Lubnaan laga sameeyo aag militariga ka caagan oo laga ilaaliyo amniga Waqooyiga Israel.

Diyaaradahan oo ah kuwo yaryar ayaa xambaarsan waxyaabaha qarxa oo loogu talagalay in loo adeegsado hal weerar, waana diyaarado dhaqdhaqaaq badan oo ay adag tahay in la soo rido. Hubka cusub ee Xisbullah ayaa bannaanka keenay caqabadaha cusub ee difaaca ee soo wajahay Militariga Israel.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa 27-kii bishii hore ee April qiray in drones-ka Xisbullah ay khatar dhab ah ku yihiin amniga Israel, gaar ahaan deegaanadooda waqooyi ee ku dhow dhow xuduudda Lubnaan.

Khubarada Israel iyo kuwa Mareykanka ayaa cilmi baaris ku sameynaya diyaaradahan iyo sababta ay u adag tahay in la difaaco amaba laga hortago.

Xiisadda aadka u sarreyso ee Israel iyo Xisbullah ayaa loo arkaa inaanay ku soo laaban karin mid caadi ah, haddii aan si buuxda loo dhaqangelin xabad joojinta lagu heshiiyay laba toddobaad ka hor, sababtu tahay Xisbullah oo la xaqiiqsaday inay ka awood badan tahay, sidii la moodayay. 17-kii bishii April, xabad joojin 10 maalmood ah oo Mareykanka uu ka soo shaqeeyay ayaa dhaqangashay, taas oo 23-kii April uu Madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay in lagu kordhiyay saddex toddobaad.

Xabad joojinta la kordhiyay illaa bartamaha bishan May ayaa waxaa caqabad ku noqotay Israel oo dooneysa inay garaacdo meelaha ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyada Xoogaga Xisbullah, taas oo Xisbullah ay sheegtay inaanay aqbali karin.

Hoggaamiyaha Xisbullah, Naim Qassem ayaa toddobaadkii hore sheegay in weerar kasta oo uga yimaada dhinaca Israel ay ka jawaabi doonaan, haddii aanay Tel Aviv tixgelin heshiiska xabad joojinta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc