Wararka ka imanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi lagu gowracay nin dhallinyaro ahaa, kana mid ah dadka deegaanka.
Wararka ayaa sheegaya in dhacdadan ay ka dhacday xaafadda Waxarcadde ee Dhuusamareeb, isla-markaana ay laamaha amniga ku daba joogaan nin lagu tuhunsan yahay inuu falkaasi ka dambeeyay.
“Waxay ahaayeen laba nin oo xoogsato isku shaqo ah, waxayna ka shaqeynayeen tuubooyinka biyaha iyo ceelasha. Dhowr maalmoodba waxaan ogaanay inay isku hayeen lacag uu sheeganayay marxuumka dhiman doona.” Ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Booliska Dhuusamareeb.
Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa inoo sheegay “Baaritaanka socda ayaa muujinaya in marxuumka lagu dilay guri dhex dhis ah, ka dibna meydkiisa laga tuuray darbiga guriga oo sidaasi lagu soo dhigay meel waddo ah.”
Ninka eedeysanaha ee la farmuuqayo ayaa qarsoomay dhacdada ka dib, waxayna laamaha amnigu wadaan hawlgalo ay ku baadigoobayaan.
Gaashaanle Nuur Cilmi Maxamed, Taliyaha Saldhigga Booliska Dhuusamareeb ayaa dadaal ugu jiro, sidii ay ciidamadu si dhakhsa ah gacanta ugu soo dhigi lahaayeen eedeysanaha.
Dhacdadan ayaa ka argagaxisay dadka deegaanka oo si weyn u hadal haya.