Home Wararka Maanta Khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Qoorqoor

Khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Qoorqoor

by Laacib

Khilaafka Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa soo ifbaxay horaantii bishii April, ka dib markii Villa Somalia aysan tixgelin codsiga Madaxweynaha Galmudug ee ku saabsan in si dhab ah looga gacan siiyo dib u doorashadiisa.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, dhowr kulan oo ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaan wax is afgarad ah laga gaarin baahida uu Madaxweyne Qoorqoor u qabo inuu noqdo musharaxa Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) uga qaybgelaya tartanka doorashada madaxtinimada ee Galmudug. Ururka JSP ayaa waxaa madax u ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad oo lagu tilmaamo gacanta midig ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa daneynaya in uu isagu noqdo musharaxa Ururka JSP ku meteli doona doorashadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu weli xusuusan yahay ballanqaad uu horey ugu sameeyay Madaxa Sirdoonka Somaliya, oo ah in la gayn doono Madaxtooyada Galmudug.

Qoorqoor ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku cadaadinaya in uu bedelo mowqifkiisa taageerada ee Mahad Salaad, si la mid ah Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo uu dib ka ogolaaday in laga taageero doorashada madaxtinimada Hirshabelle.

Qoorqoor ayaa wuxuu ogyahay in taageerada Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo qura ay ka caawin karto dib u doorashadiisa.

Qoorqoor ayaan ku guuleysan karin doorashada soo socota, haddii aanay Villa Somalia ku garab siinin guusha uu u baahan yahay, wuxuuna ka dheregsan yahay in Dowladda Federaalka ay maamuleyso doorashooyinka dalka ee khilaafka weyni uu ka taagan yahay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre uu wado dadaalo uu xal loogu raadinayo khilaafka soo kordhay, inkastoo Guddiga Doorashooyinka Qaranka uu gelinkii dambe ee Axaddii uu cusbooneysiiyay jadwalka doorashada Galmudug. Khilaafkan ayaa waxaa iska cad in uu saamayn ku yeelan karay doorashada kol hore la muddeeyay inay 13-ka bishan ka qabsoomto deegaanada Galmudug.

Qoorqoor ayaa wada-shaqayn dhow la lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, illaa iyo intii uu xafiiska dib ugu soo laabtay 15-kii bishii May ee sanadkii 20222.

Qoorqoor ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ka doonaya in JSP ay ku dhawaaqdo in uu yahay musharaxooda rasmiga ah ee doorashada soo socota, taasna waxay u muuqataa mid illaa iyo hadda ay adag tahay inay ka fusho dhinaca Madaxweyne Xasan Sheekh, marka aad milicsato in uu gadaal ka taagan yahay Mahad Salaad.

Dhanka kale ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka welwelsan yahay in Qoorqoor uu ka soo jeesto amaba uu ku biiro safka mucaaradka, tanina waxay xumayn doontaa baa la leeyahay muuqaalkiisa siyaasadeed ee dalka, bacdamaa uu weli qoyan yahay raadka wixii ay ku kala taggeen Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), keentayna in awoodda xoog looga tuuro Laftagareen, ka dib in ka badan toddobo sano oo uu maamulayay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ma cadda, sida Madaxweyne Xasan Sheekh uu isugu hayn karo Qoorqoor iyo Ina Salaad, si uu u xaqiijiyo himilooyinkiisa siyaasadeed, iyadoo uu 11 maalmood ka harsan yahay muddo xileedkiisa, mucaaradkuna ay ka biyo diidan yihiin wax kastoo muddo kororsi ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc