Ciidanka Badda Mareykanka ayaa u muuqdo kuwo dhaqdhaqaaq ka bilaabay marin biyoodka Hormuz, si ay halkaasi xoog uga gudbiyaan maraakiibta ganacsiga ee ku xaniban.
Taliska Militariga Mareykanka ayaa sheegay inay maanta la dagaalameen Ciidamada Iran, isla-markaana ay dejiyeen lix ka mid ah doomahooda dheereeya, si meesha looga saaro caqabadda ay ku yihiin isu socodka maraakiibta shixnadaha saliidda.
Taliska Ciidanka Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay in ay laba gantaal ku dhufteen mid ka mid ah maraakiibta dagaalka Mareykanka, ka dib markii uu iska dhega tiray digniin ku saabsan inaanu soo geli karin biyaha Hormuz. Militariga Mareykanka ayaa beeniyay sheegashada Iraaniyiinta, iyagoona sheegay inaanan wax gantaal ahi lagu dhufan markab ay leeyihiin.
Militariga Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in laba markab oo ganacsi, isla-markaana sitay Calanka Mareykanka ay si guul leh uga gudbeen Hormuz.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Iran ay weerar gantaalo iyo drones ay ku qaadeen gudaha Emirate-ka Carabta. Dowladda Emirate-ka Carabta oo xulafo la ah Mareykanka ayaa sheegtay in ay weerar kala kulmeen Iran markii ugu horeysay, tan iyo markii 8-dii bishii April ay dhaqangashay xabad joojintii ay Mareykanka iyo Iran ku heshiiyeen.
Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi ayaa sheegtay in Iran ay soo ridday afar gantaal oo nooca Cruise-ka ah, iyadoo saddex gantaal la soo riday, midna uu ku dhacay badda. Maamulka Bariga imaarada Fujairah ayaa sheegay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo laga leeyahay Iran ay ku dhacday xarun saliideed oo muhiim ah, halkaasna ay ku dhaawacmeen saddex muwaadin oo u dhashay India. Dab weyn ayaa ka kacay xarunta la beegsaday oo ku dhex taala Dekedda Fujairah.
Warbaahinta Bariga Dhexe oo wax ka qoreysa dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Marinka Hormuz iyo gobolkaba ayaa sheegeysa in weerarada Iran ay u muuqdaan kuwo looga jawaabayo dadaalada uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu ku doonayo in dib loogu furo marin biyoodka muhiimka u ah sahayda tamarta adduunka.
Xiisadda ka soo korortay gobolka, gaar ahaan Marinka Hormuz ayaa walaaca ku kordhineysa shirkadaha gaadiidka xamuulka badda.
Madaxweyne Trump ayaa xalay sheegay in Isniintan ay xoog ku furi doonaan isu socodka maraakiibta ee Hormuz, taas oo Tehran ay ku sheegtay jebin ay Washington ku sameynayso xabad joojinta.
Dadaalada noocan oo kale ah ayaa dhinacyada ku riixaya dagaal kaloo ballaaran oo ku dhex mara gobolka.
Duulaankii wadajirka ahaa ee Mareykanka iyo Israel ay 28-kii bishii February ku qaadeen Iran ayaa dhabaha u xaaray in Ciidamada Iran ay xiraan marinka ciriiriga ah ee Hormuz.