Home Wararka Caalamka Iran oo fileysa in Shiinaha uu dhexdhexaadin doono iyaga iyo Mareykanka (SAWIRRO)

Iran oo fileysa in Shiinaha uu dhexdhexaadin doono iyaga iyo Mareykanka (SAWIRRO)

by Laacib

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa sheegay in Shiinuhu uu dhexdhexaadin karo iyaga iyo Mareykanka, si loo soo afjaro dagaalka kala dhaxeeya Mareykanka iyo Israel, nabadna loogu soo dabaalo Gobolka Bariga Dhexe.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo maanta Magaalada Beijing kula kulmay dhiggiisa Shiinaha Wang Yi ayaa taageeray hindise afar qodob ka kooban oo Shiinuhu uu soo bandhigay bishii April, kaas oo ku saabsan ilaalinta iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

“Waxaan wada hadal wax ku ool ah kula yeeshay Beijing Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha, Wang Yi. Labada dhinacba waxa ay xaqiijiyeen in Iran ay xaq u leedahay ilaalinta madaxbannaanideeda iyo sharafta qaranka.” Ayuu yiri Abbas Araghchi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran.

Wasiirka ayaa war qoraal ah ku sheegay in Iran ay qaddarineyso hindisaha Shiinaha, oo ay u arkaan mid lagu dhamayn karo colaadda gobolka.

“Dhinaca Iran waxa ay aaminsan tahay dhanka Shiinaha, waxaana aan filaynaa in dhinaca Shiinaha ay sii wadaan doorka wanaagsan ee horumarinta nabadda iyo joojinta dagaalka, waxayna taageerayaan samaynta qaab dhismeedka gobolka ee dagaalka ka dib, kaas oo isku dubaridi kara horumarka iyo amniga.” Ayuu yiri Araghchi.

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping ayaa 14-kii bishii April soo bandhigay qorshe afar qodob ka kooban, oo nabad iyo xasillooni loogu soo dabaalayo Bariga Dhexe, ka dib markii uu Caasimadda Beijing ku qaabilay Sheikh Khaled bin Mohamed bin Zayed Al Nahyan, Dhaxal-sugaha Abu Dhabi ee Emirate-ka Carabta.

Madaxweyne Xi Jinping ayaa xilligaasi ku baaqay in loo hoggaansamo mabda’a nabad ku wada noolaanshaha, xoojinta qaab dhismeedka amniga guud, joogtaynta iskaashiga waara ee Bariga Dhexe iyo Gacanka Khaliijka.

Qorshaha Shiinaha ayaa taageeraya madaxbannaanida dhammaan dalalka, amniga iyo wadajirka dhuleed ee wadamada Bariga Dhexe oo ay ku jiraan Dowladaha Khaliijka, ilaalinta badqabka shaqaalaha, xarumaha wax soosaarka iyo xafiisyada dowladaha.

Kulanka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Iran iyo Shiinaha ku yeesheen Beijing ayaa imanaya, iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu toddobaadka soo socdo uu booqan doono dalkaasi.

Trump iyo Xi Jinping ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan ganacsiga, teknolojiyadda iyo xiisadda Barga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc