Home Wararka Maanta Mucaaradka oo luqad adag kula hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo luqad adag kula hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh

by Laacib

Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Ex Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre, kana mid ah Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa si adag uga hadlay xaaladda Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir, ka dib markii Ciidamada Dowladda ay caawa weerar ku qaadeen maleeshiyaad dadka deegaanka ah oo ka horyimid hawlgalka lagu burburinayo guryaha la degan yahay ee ka socdo xaafadda Warlaliska ee degmadaasi.

Labaduba waxay cambaareeyeen weerarkaasi, waxayna ciidamada uga diggeen in loo adeegsado dilka dadka reer Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xusuusiyay in la soo gaaray sida uu yiri marxalad halis ah.

“Waa fal dembiyeed u baahan in la isku la xisaabtamo, waxaana Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadka yahay Xasan Sheekh Maxamuud aan xusuusinayaa in la soo gaaray marxalad halis ah, oo ay tahay inuu ka waantoobo ku takri-falka awoodda dowladda iyo boobka hantida ummadda.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo hadalkan ku sheegay war uu soo saaray.

“Ugu dambayn, waxaan ciidanka ammaanka uga digayaa ficilada foosha xun iyo weerarada bahalnimo ee ka dhanka ah nafta iyo maalka bulshada caasimadda, waana inay joojiyaan qaadashada amarada khaldan ee looga horkeenayo shacabka.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Xasan Cali Khayre, Raysal Wasaarihii hore ee dalka ayaa dhankiisa wax ayaan darro iyo masiibo qaran ah ku tilmaamay in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay weerareyso shacabka, isla-markaana ay ciidamada u adeegsaneyso barakicinta iyo gumaadka shacabka.

“Waxaa ayaan darro iyo masiibo qaran ah in Dowadda Madaxweyne Xasan Sheekh ay weerareyso shacabka, si ay uga barakiciso guryahooda, ciidankii qarankana u adeegsaneyso dhul boobka, barakicinta iyo gumaadka shacabka.” Ayuu Khayre ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook.

Khayre ayaa intaasi ku daray “Taliska arxanka daran ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku jira maalmihiisii ugu dambeeyay wuxuu uu ku mashquulsan yahay xaalufinta dalka iyo boobka hantida qaranka. Waxaan Ciidanka Qaranka uga digayaa in ay ka sii qayb qaataan boobka dhulka shacabka, gumaadka dadweynaha, barakicinta dadka danyarta ah iyo fulinta damaca guracan ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.”

Xaalad aad u kacsan ayaa laga soo sheegaya inay ka jirto Degmada Dayniile, iyadoo ay weli xaafadda Warlaliska isku horfadhiyaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo maleeshiyaad dadka deegaanka ah oo hubka u qaatay, si ay uga hortaggaan guryo loo socdo in la burburiyo, lagana saaro qoysaska degan.

Dadka ku dhaqan xaafadda Warlaliska iyo xaafadaha kale ee ku dhow dhow ayaa bilaabay in ay guryahooda ka barakacaan, iyagoo ka baqdin qaba suurtagalnimada in waaberiga lagu dul dagaalamo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc