Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) ayaa maanta kormeer ugu tegay Ciidamada Militariga ee ku sugan duleedka Magaalada Baydhabo.
Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ayaa halkaasi ku booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor iyo Xoogaga Polizia Militare ee 30-kii bishii March la wareegay gacan ku haynta magaalada, markaas oo meesha laga saaray Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
“Kormeerka Taliye Kuxigeenka ayaa qayb ka ahaa dardargelinta howlaha amniga iyo u kuurgelidda xaaladda ciidamada ku sugan furimaha hore.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka.
General Cirro oo la hadlay ciidamada ayaa ku bogaadiyay dadaalka ay ku bixinayaan difaaca dalka, sida lagu sheegay warka.
“Wuxuu kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday, isla-markaana ay adkeeyaan wada-shaqaynta iyo ilaalinta amniga shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri warka.
Saraakiisha Militariga ayaa la sheegaya in ay dhawaan ciidamo hor leh u daabuleen bannaanada Magaalada Baydhabo, ka dib weerarkii naxdinta lahaa ee Khamiistii lagu dilay Saraakiil iyo askar ka tirsan Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Taliyihii Guutada 8aad ee Qaybta 60aad, Cali Maxamed Aadan (Cali Caddow) iyo Taliyihii Guutada 9aad, Yoonis Aadan Xasan ayaa ka mid ah xubnaha lagu dilay weerarkaasi.
Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegtay in weerarka ay ku lug lahaayeen ciidamo taabacsan Madaxweyne Laftagareen, kuwaas oo si toos ah ugu milmay bay wasaaraddu tiri Khawaarijta Al Shabaab.
Weerarkan oo ka dhacay meel u dhow kontorool ay ciidamada ku leeyihiin duleedka waqooyi ee Baydhabo ayaa hadal hayn xoog leh ka dhaliyay dalka.
Xaalad amni darro ayaa laga dareemay magaalada, ka dib is bedelkii amni iyo siyaasadeed ee 30-kii March ka dhacay magaaladaasi, laguna soo afjaray Maamulkii Madaxweyne Laftagareen ee toddobada sano iyo dheeraadka ka arriminayay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Baydhabo.
Si kastaba ha-ahaatee General Cirro oo Jimcihii ka degay Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee Baydhabo ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu sii joogi doono magaaladaasi.
