Home Wararka Maanta Xubnaha daneynaya jegada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka

Xubnaha daneynaya jegada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka

by Laacib

Musharaxiin dhowr ah oo ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa u sharaxan jegada Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Jegadan ayaa waxaa baneynaya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kaas oo Arbacadii loo doortay inuu noqdo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Qodob dastuuri ah ayaa dhigaya in haddii Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu booska baneeyo uu howsha la wareegayo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad, illaa laga dooranayo Gudoomiyaha cusub.

Gudoomiye 1aad Kuxigeenka ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa hadda ah Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoona sii hayn doonto, inta laga soo dooranayo Gudoomiyaha xiga.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday wadatashiyo ku aaddan cidda buuxin karta jegada uu faarujinayo Aadan Madoobe, oo afartii sano ee u dambeysay ku magacawnaa Gudoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Saadaad Maxamed Nuur Caliyow iyo xubno kale ayaa xusul-duub ugu jira jegadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horey u soo noqday Gudoomiyaha Golaha Shacabka ay suurtagal tahay in mar kale uu jedaasi isku soo sharaxo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah masuulka ugu dambeeya ee iska leh go’aanka cidda noqoneysa Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ayay u badan tahay in la dooran doono, marka Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka soo laabtaan fasaxa ay ku maqan yihiin oo geba-gabo ku dhow.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc