Home Wararka Maanta Ciidamada oo hawlgal ka dhan ah Al Shabaab ka wada bariga Gobolka Hiiraan

Ciidamada oo hawlgal ka dhan ah Al Shabaab ka wada bariga Gobolka Hiiraan

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa jihooyin kala duwan ka cadaadinaya maleeshiyada Al Shabaab ee ku sugan bariga Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa toddobaadkii hore xoojiyay hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyadaasi, iyagoona dhaqdhaqaaqyyo ciidan iyo cadaadis militari ka wada jihooyin kala duwan oo deegaano hoostaga Degmooyinka Maxaas iyo Buuloburde, isla-markaana ay Shabaabku ku sugan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay hawlgal ka wadaan agagaarka deegaanada Yasooman, Waabweyn iyo Suullaay, si loo kala jaro isu socodka, gurmadka iyo saadka maleeshiyada ee Degmooyinka Maxaas iyo Moqokori.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in hawlgalka ay qayb ka yihiin diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah, isla-markaana ay mararka qaarkood duqaynayaan meelaha muhiimka ah.

Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Cali Axmed Xaashi (Cagey) oo ku sugan jiidda hore ee gobolka ayaa soo diray farriin uu shacabka ugu sheegayo in ay ka fogaadaan goobaha cadowga.

Xoogaga Macawiisleyda, oo ah dadka deegaanka ee hubeysan, isla-markaana ay Dowladda Federaalka taakuleyso ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ka caawinaya in la beegsado goobaha ay ku yaallaan saldhigyada Al Shabaab.

Macawiisleyda reer Hiiraan ayaa u muuqdo kuwo hoggaaminayo hawlgalka is ballaarinta ee ay ciidamadu ka wadaan bariga gobolkaasi.

Hawlgalka wadajirka ah ayuu ujeedkiisu koowaad yahay in Shabaabka laga fogeeyo magaalooyinka iyo deegaanada Hirshabelle ee dhawaan laga qabanayo doorashada qof iyo codka ee lagu soo dooranayo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Hirshabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc