Home Wararka Caalamka Is rasaasayn galaafatay nolosha saddex qof oo ka dhacday Mareykanka

Is rasaasayn galaafatay nolosha saddex qof oo ka dhacday Mareykanka

by Laacib

Saddex qof ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen rasaas lagu furay goob ku taala Magaalada Seattle ee Gobolka Washington, sida ay sheegeen Saraakiisha Mareykanka.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Xarunta Seattle, halkaas oo sida la sheegay ay ka socotay bandhig cunto oo sanadle ah.

Saraakiisha Booliska ayaa xaqiijiyay in rasaasta la furay, intii lagu guda jiray xafladda cuntada ee Bite of Seattle ee Seattle Center.

Taliye Kuxigeenka Booliska Seattle, Tyrone Davis ayaa sheegay in hal qof loo soo xiray dhacdadaasi, mid kalena lagu daba joogo.

Tyrone Davis ayaa intaasi ku daray inay aaminsan yihiin in labada qof ay is rasaaseynayeen, isla-markaana aysan jirin khatar soo wajahday dadweynaha.

Tyrone Davis oo Wariyeyaasha la hadlay, waxna laga weydiiyay qofka weli baxsadka ah ayaa sheegay inaysan laamaha amnigu haynin sharaxaad ku saabsan qofkaasi.

Rasaasta ayaa laga maqlay goobta abaare 6:00 fiidnimo ee waqtiga maxaliga ah, sida ay ku warantay Warbaahinta gudaha.

Weerarada toogashada ayaa ah wax aad ugu badan Mareykanka, sababtuna waa in shacabka dalkaasi loo ogolyahay in ay hubka haysan karaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc