Home Wararka Maanta Wasiir Cali Xoosh oo muddeeyay goorta la qabanayo Doorashada Maamulka Gobolka Banaadir

Wasiir Cali Xoosh oo muddeeyay goorta la qabanayo Doorashada Maamulka Gobolka Banaadir

by Laacib

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh) ayaa maanta muddeeyay waqtiga la qabanayo Doorashada Guddoonka Maamulka Gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir la qaban doono 5-ta bisha soo socota ee July.

“Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta wuxuu halkan ku asteynayaa maalinta la qabanayo Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, oo ah 05 July, 2026.” Ayaa lagu yiri warqadda.

Wasiir Cali Xoosh ayaa Ururadii Siyaasadda ee ku tartamay Doorashadii Golaha Deegaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir ee la qabtay 25-kii bishii December iyo Xubnaha Golaha Deegaanka ee la doortay ku wargeliyay in ay ku diyaargaroobaan muddadaasi.

“Sidaas darteed, Ururada Siyaasadda iyo Xubnaha Goleyaasha Deegaanka la doortay, waxaa lagu wargelinayaa in ay ku diyaargaroobaan muddadaas loo asteeyay.” Ayuu Wasiirku ku sheegay warqadda.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayay ahayd inay muddeeyaan doorashadan, mana cadda waxa uu ka dambeeyo go’aanka Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc