Home Wararka Maanta Qoorqoor iyo Mahad Salaad oo wada hadal xasaasi ah ku yeeshay Dhuusamareeb

Qoorqoor iyo Mahad Salaad oo wada hadal xasaasi ah ku yeeshay Dhuusamareeb

by Laacib

Wararka ka imanaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in maalintii 2aad ay magaaladaasi wada hadal ku yeesheen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad.

Wararka ayaa sheegaya in labada nin ay maanta wada hadal dhowr saacadood qaatay ay ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada Galmudug, kaas oo daba socday wada hadal ay sidoo kale Jimcihii yeesheen.

Wada hadaladan ayaa ahaa kuwo loogu gogol xaarayay in is faham siyaasadeed lagaga gaaro habraaca Doorashooyinka Galmudug ee khilaafka uu hareeyay.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya inaanu jirin wax horumar ah oo illaa iyo hadda laga sameeyay wada hadalada Dhuusamareeb, sababo ku aaddan danaha is diidan ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmudug.

Bilowgii waxaa miiska saarnaa in la mideeyo aragtida is diidan labada dhinac ee ku aaddan Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee maamulaya doorashada soo socota ee maamulkaasi iyo geeddi-socodka doorashadaasi.

Madaxweyne Qoorqoor oo mar kale u xusul-duubaya in uu ku soo laabto xafiiska ayaa dalbaday in deegaanada Galmudug laga qabto doorasho loo siman yahay, taasna ay ku dhici karto in la helo guddi doorasho oo lagu wada kalsoon yahay, isla-markaana ka madaxbannaan dano siyaasadeed.

Hoggaamiyaha Galmudug ayaa xalka u arka in la bedelo Guddiga Doorashooyinka Qaranka amaba in uu metelaad ku yeesho xubnaha guddigaasi, si ay doorashadu u noqoto mid natiijadeeda la wada aqbali karo, iyadoo Villa Somalia aysan hadda diyaar u ahayn in wax ka bedel lagu sameeyo guddigaasi.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in waxa ka cusub wada hadalada Dhuusamareeb uu yahay dalab aan lagu sii talagelin oo Mahad Salaad uu miiska soo saaray, kaas oo ah in Qoorqoor uu ka tanaasulo tartanka dib u doorashadiisa, si aan waxba looga bedelin qaab dhismeedka Guddiga Doorashooyinka, isagoo ku bedelanaya xubno ka mid ah qoyskiisa oo xilal muhiim ah laga siin doono Dowladda Federaalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Qoorqoor uu ku kadsoomay dalabkan oo uu u arko mid aan sax ahayn, isla-markaana uu ku adkeystay go’aankiisa ah inuu mar kale tartamo.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Galmudug ayaa Universaltv u sheegay in aragtida Madaxweynaha ay tahay in go’aanada dhinaca keliya ah aysan wax xal ah u keeneyn dadka reer Galmudug, oo baahidooda ay tahay qabashada doorasho loo dhan yahay oo siyaasiyiinta iyo shacabkuba ay ku wada qanacsan yihiin.

Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa xusay in lagu ballamay wada hadal kale oo Qoorqoor iyo Mahad Salaad ay dib ka yeeshaan, ka dib natiijo la’aanta wada hadaladii ugu dambeeyay.

Is mari-waaggan ayaa dib u dhigay safar la sii qorsheeyay oo Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu Axadda berrito ah ku tagi lahaa Dhuusamareeb.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc