Home Wararka Maanta Laftagareen oo bogaadiyay ciidamada weerarka ka gaystay Baydhabo

Laftagareen oo bogaadiyay ciidamada weerarka ka gaystay Baydhabo

by Laacib

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo weli ku adkeysanaya in uu yahay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyay weerarka ay ciidamada taageersan maanta ku qaadeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Waxa uu sheegay in Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ay hawlgalo ka fuliyeen magaalada, si loo sugo amniga iyo xasilloonida.

“Maanta oo ay taarikhdu tahay 17-ka Agosto 2026, Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Somaliya wuxuu bogaadinayaa hawlgalada ay Ciidanka Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed Somaliya ka fuliyeen Magaalada Baydhabo, kaas oo ujeedadoodu ahayd sugidda amniga, soo celinta xasilloonida iyo kala dambeynta magaalada.” Ayuu Cabdicasiis Laftagareen ku sheegay warqad qoraal ah oo caawa uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Laftagareen oo sheegay in hawlgalka lagu sifeynayay, waxa uu ku sheegay ciidamada sida gardarrada ah ugu soo duulay Magaalada Baydhabo ayaa dhanka kale beeniyay in taageereyaashiisa iyo maleeshiyada Al Shabaab ay si wadajir ah u weerareen magaaladaasi.

“Hawlgalkan waxaa lagu sifeynayay ciidamada sida gardarrada ah ugu soo duulay deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan Magaalada Baydhabo. Dhammaan wararka sheegaya in Ciidanka Daraawiishta lagu tilmaamo koox xagjir ah waa warar marin habaabin ah oo been ah, kuwaas oo qiil loogu raadinayo in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud uu si sharci darro ah u isticmaalo qalabka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Laftagareen ayaa qoraalka ku sheegay “Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Somaliya wuxuu bogaadinayaa Ciidanka Daraawiishta Dowladda Koonfur Galbeed guulaha ay ka soo hooyeen hawlgalka iyo sida ay uga go’an tahay difaaca shacabka, sugidda amniga iyo ilaalinta xasilloonida deegaanada Koonfur Galbeed Somaliya. Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Somaliya wuxuu sidoo kale hambalyo u dirayaa shaacbka Koonfur Galbeed, sida diiran ee wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen Ciidanka Daraawiishta DKGS, u garab istaageen dib-u-xoreynta Magaalada Baydhabo.”

Warka ayaa lagu soo geba-gabeeyay “Ugu dambayn, Dowladda Koonfur Galbeed Somaliya waxay xaqiijineysaa inay ka go’an tahay ilaalinta nolosha iyo karaamada shacabka, difaaca dowladnimada iyo dhowrista hay’adaha dasuuriga ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Somaliya.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc