Home Wararka Maanta Taliye Shub oo cid gaar ah ku eedeeyay duqaynta uu ka badbaaday

Taliye Shub oo cid gaar ah ku eedeeyay duqaynta uu ka badbaaday

by Laacib

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) ayaa markii ugu horreysay ka hadlay duqayntii xagga cirka ahayd ee 3-dii bishan lagu beegsaday hoyga uu ka deganaa Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in isaga iyo laba qof oo kale oo midi ay haweeney tahay ay ku dhaawacmeen duqayntaasi.

Wareysi uu siiyay Channel-ka Youtube ee Geed Fadhi ayuu ku sheegay in duqaynta ay gaysatay diyaarad uu Turkigu leeyahay, balse ay ku lug lahaayeen saddex nin oo uu ku kala sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad.

“Diyaaradda waxaa na loogu soo diray guriga, annaga iyo wixii meesha ku noolba in dhulka na lagu daro. Waa waxay dad ay colaadi idiinka dhexeyso ay suubin lahaayeen.” Ayuu yiri General Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Jananka ayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka si gaar ah ugu eedeeyay in uu dadaal badan u galay, sidii Turkiga u duqayn lahaa hoygiisii Doolow, isagoo xusay in uu Turkiga iska diiday, balse ay u suurtagashay in uu ku qanciyo.

Eedeynta Taliye Shub uu u jeediyay Dowladda Federaalka ayaa ah eedayn siyaasadeed iyo mid amni oo culus, waxayna xoojineysaa eedeyntii ay horey garabka mucaaradka ee Koonfur Galbeed ugu jeediyeen Villa Somalia inay ka masuul ahayd weerarkaasi, iyadoo kaashaneysa Dowladda Turkiga.

Duqayntan oo dhacday 3-dii bishan ayay Dowladda Federaalka maalintii xigtay ee 4-tii September ay iska fogeysay masuuliyadda duqayntaasi, waxayna sheegtay in xogaha horudhaca ah ee heleen hay’adaha ammaanka ay muujinayaan in qaraxyadu ay ka dhasheen waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay gurigaasi.

Taliye Shub ayaa warka Dowladda Federaalka ku tilmaamay mid xaqiiqda ka fog, cid walbana ay ogtahay in aanu isagu ahayn Al Shabaab.

“Aniga Shabaab ma ihi oo sida qarax loo sameeyo ma aqaan. Ninkii marka Shabaabka yaqiinay oo dadka leynayay, haddii laga soo leexiyay oo aniga Shabaabnimo la igu soo leexiyay oo diyaaradda igu garaaceyso, dowlad la’aanaa jirto waaye macnaha.” Ayuu yiri Taliye Shub.

Taliye Shub ayaa waxaa loo arkaa xubinta ugu caansan Saraakiisha Ciidamada ee xulafada la ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ee dagaalka kula jira ciidanka maamulka cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo kuwa Dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Baydhabo.

Duqaynta hoyga Taliye Shub ayaa dhalisay guux siyaasadeed iyo dibadbaxyo lagu diidan yahay, laguna gubay Calanka Turkiga.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc