Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta gaaray Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen laba maleeshiyo beeleed.
Wafdiga Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle oo uu wehliyo Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi, Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere) ayaa la kulmay Odayaasha Dhaqanka ee labada beelood, iyagoona kala hadlay baahida loo qabo in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, adkaynta nabadda iyo in laga wada shaqeeyo amniga degmadaasi.
“Kulanka ka dib, dhammaan dhinacyadu waxay isku raaceen in ciidamada labada beelood la kala qaado, isla-markaana amniga guud ee degmada loo daayo maamulka degmada iyo hay’adaha amniga ee dowladda.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Gudoomiye Nuur Dheere.
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka, qaybna ka ahaa wafdiga Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa sheegay inay u suurtagashay in la joojiyo rasaastii socotay.
Xildhibaan Macalimuu ayaa tilmaamay in la kala qaaday dhinacyadii ku dagaalamay magaalada.
“Ka dib dadaalo isugu jiray wada hadal, fara-gelin iyo u kala dabqaadid dhinacyadii is hayay, waxaa noo suurtagashay in la joojiyo rasaastii socotay, isla-markaana la kala fogeeyo dhinacyadii dagaalamayay.” Ayuu yiri Xildhibaan Macalimuu oo ka mahadceliyay, sida ay dhinacydaasi uga aqbaleen xabad joojinta.
“Waxaan uga mahadcelinaynaa dhammaan dhinacyada ay khuseyso, sida ay nooga aqbaleen xabad joojinta, ugana hormariyeen danta shacabka iyo nabadda deegaanka.” Ayuu yiri Macalimuu oo intaasi ku daray “Sidoo kale, waxaan si gaar ah ugu mahadcelinaynaa Ciidamada Jabuuti ee Hawlgalka Hiil Walaal, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay dadaalada lagu dejinayay xaaladda, isla-markaana aan la’aantood aysan suurtageli lahayn guulaha maanta la gaaray.”
Dagaalka ayaa sababay dhimashada in ka badan 10 qof iyo dhaawaca 20 kale, iyadoona rabshaduhu ay dhaliyeen in guryo la gubo, sida uu xaqiijiyay Duqa Degmada Jalalaqsi, Maxamed Xaaji Nuur Cumar.
