Home Wararka Maanta Ciidamo ka tirsan Militariga Somaliya oo gaaray Degmada Jalalaqsi

Ciidamo ka tirsan Militariga Somaliya oo gaaray Degmada Jalalaqsi

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa cutubyo ka tirsan Ciidamada Militariga u dirtay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, iyadoo laga hortagayo in mar kale ay degmadaasi ku dagaalamaan labadii maleeshiyo ee shalay la kala qaaday.

Militariga Somaliya oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii gaaray Degmada Jalalaqsi, si ay u xoojiyaan xabad joojinta laga dhaqangeliyay degmadaasi.

Ciidamadan oo u badan Guutada 5aad, Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa wehliya askar ka tirsan Kumaandooska Gorgor, kuwaas oo ka yimid dhinaca Degmada Buuloburde.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Militariga ay maamulka degmada kala shaqayn doonaan inaysan labada maleeshiyo dib ugu soo laaban goobihii lagu dagaalamay.

“Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ayaa ballanqaaday inuu si joogto ah kormeer ugu samayn doono goobihii ay colaadaha ka dhaceen, isla-markaana uu ka shaqayn doono sugidda amniga, xasillinta xaaladda iyo hirgelinta heshiisyada nabadeed ee lagu gaaray degmada.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi, Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere).

Xaaladda Degmada Jalalaqsi ayaa haatan ah mid degan, iyadoona xalay ay dhegaha dadka deegaanka ka nasteen dhawaqa rasaasta, ka dib maalmo ay magaalada ku dagaalamayeen maleeshiyaad hubeysan.

Dagaalka Jalalaqsi ayaa galaaftay nolosha in ka badan toban qof iyo dhaawaca labaatan kale, iyadoo sidoo kalena ay rabshaduhu sababeen in guryo la gubo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc