Home Wararka Maanta Dhuusamareeb oo fure u ah loolanka siyaasadeed ee Maamulka iyo Doorashooyinka Galmudug

Dhuusamareeb oo fure u ah loolanka siyaasadeed ee Maamulka iyo Doorashooyinka Galmudug

by Laacib

Dhuusamareeb ayaan keliya ahayn Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, balse sidoo kale waa magaalo leh go’aamada siyaasadeed ee lagu jaangoynayo siyaasadda maamulka iyo jihada looga dhaqaaqayo isgoyskan la taagan yahay.

Dhuusamareeb ayaa fure u ah loolanka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Madaxtooyada Galmudug ee isku haya hannaanka Maamulka iyo Doorashooyinka Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa ah magaalada laga maamuli doono doorashada maamulka ee isha lagu wada hayo, taasoo la’aanteed ay adag tahay in Dowladda Federaalka ay doorasho hal dhinac ah ka qabato deegaanada Galmudug.

Magaalada ayaa waxaa ku sugan ciidamo fara-badan oo taabacsan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo ciidamo kale oo u badan kuwa Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee degan duleedka Dhuusmareeb, isla-markaana ka amar-qaata Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Qoorqoor ayaan ogolaan karin in Dhuusamareeb ay ka baxdo gacanta maamulkiisa, sababtoo ah wuxuu luminayaa awood kasta oo uu ku diidi karo ama ku waafaqi karo habraacyada doorashada xasaasiga ah.

Saraakiisha Madaxtooyada iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug ayaa magaalooyinka iyo deegaanada qaar ee Gobolka Galgaduud ku diyaarinaya ciidamo iyo maleeshiyo beeleed, si ay maamulka uga gacan siiyaan in laga hortago, haddii la isku dayo in laga fara maroojiyo gacan ku haynta Dhuusamareeb.

Wada hadaladii maalmahaanba magaalada uga socday Qoorqoor iyo Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad ee natiijo la’aanta ku soo dhamaaday ayaa abuuray walaac ku saabsan suurtagalnimada in Dowladda Federaalka ay xoog kula wareegi karto amniga Dhuusamareeb.

Dadka badani ayaa waxay ka welwelsan yihiin in Ciidanka Xoogga Dalka lagu amro inay cudud ciidan kula wareegaan gacan ku haynta magaalada, taasoo keeni karta cirib aan la mahdin amaba dhibaatooyin xun oo aan la rabin.

Ifafaalaha muuqda ayaa muujinaya in arrinta Galmudug ay ka cuslaan doonto, wixii lagu arkay Koonfur Galbeed, haddii ay Dowladda Federaalka u bareerto in la rido Hoggaamiyaha Galmudug.

Loolanka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Qoorqoor ayaa salka ku haya in Qoorqoor uu xafiiska isaga tago, ka hor doorashada soo socota ee maamulka iyo Qoorqoor oo ku adkeysanaya in uu xaq u leeyahay in uu mar labaad tartamo.

Is mari-waagga taagan ayaa waxaan looga maarmi karin in la helo tanaasul ku dhisan rabitaanka dadka deegaanka, oo lagaga baaqsanayo koror xiisadeed iyo rabshado, si looga sii wada shaqeeyo nabadda, xasilloonida iyo wadajirka Galmudug oo saldhig u ah doorasho hufan oo heshiis lagu yahay.

Si kastaba ha-ahaatee Mahad Salaad oo Isniintan lagu waday in uu dib ugu laabto Magaalada Muqdisho ayaa la soo sheegaya in weli uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, lamana oga sababta uu u sii joogo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc