Ugu yaraan dhowr iyo toban qof ayaa maanta lagu dilay Degmada Ari-cadeeye ee Gobolka Sool, ka dib markii kooxo hubeysan ay weerar ka gaysteen degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in kooxahan oo watay gaadiidka dagaalka ay si toos ah u beegsadeen dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween, carruur iyo odayaal.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in kooxaha weerarka ku soo qaaday magaalada ay u muuqdaan Ciidanka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari oo soo faarujiyay meelo ka mid ah difaacyadooda gobolka.
Goobjooge ku sugan magaalada ayaa sheegay inuu arkay meydadka dhowr dumar ah iyo ciidamada amniga qaarkood oo dagaalka lagu dilay.
Goobjoogaha ayaa sheegay in ciidamada amniga ee degmada ay dagaal la galeen kooxihii weerarka soo qaaday, balse sida uu sheegay ay xakamayn kari waayeen kooxahaasi oo watay gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah.
Dhacdadan ayaa wax naxdin ah ku noqday dadka deegaanka, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah guryahooda isaga cararay.
Weerarka Ari-cadeeye ayaa daba socdo dil saakay nin loogu gaystay duleedka magaalada. Ragga dilkan gaystay ayaa la sheegay inay ka carreysan yihiin saddex nin oo toddobaadkii hore lagu dilay gobolkaasi, ka dib muran ka dhashay goob la doonayay in deegaamayn laga sameeyo oo la isku qabtay.
Masuuliyiinta Maamulka Waqooyi Bari ayaan weli ka hadin weerarka dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay Ari-cadeeye.
Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka oo aan la hadalnay ayaa sheegay in Madaxda Qaranka ay si dhow ula socdaan xaaladda.
