Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Gobolka Jubbada Hoose

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Gobolka Jubbada Hoose

by Laacib

Militariga Somaliya iyo Xoogaga Daraawiishta Jubbaland ayaa sii wada gulufka dagaal ee ay dhulka cusub kaga qabsanayaan maleeshiyada Al Shabaab ee ka socdo galbeedka Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa haatan isku fidinaya dhulka hawdka ee deegaanada Harboole iyo Dhasheeg Waamo oo hoostaga Degmada Afmadow, iyagoo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah.

Wararka ayaa sheegaya in toddobaadkii labaad ay dhinacyadu si xiriir ah ugu dagaalamayaan gobolka, isla-markaana ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Shabaabka ayaa isku dayaya in ay iska caabiyaan weerarka lagu hayo, si aan goobo hor leh looga qabsan, balse sii socoshada cadaadiska kaga imanaya ciidamada uu ku khasbayo in ay difaacyadooda qaar isaga baxaan. Ciidamada ayaa isku ballaarinaya dhufeysyada iyo godadka ay difaac ahaanta Shabaabku uga sameysteen dhulka hawdka ee ay dhowr iyo tobankii sano ee u dambeeyay ay ku sugnaayeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka Gaarka ee Kumaandooska Danab ay Talaadadii waddo ka furteen deegaanka Horboole, isla-markaana ay cagta saareen waddada laamiga ee aadda deegaanka Mareerey, halkaas oo uu ka soo gudbayo gurmadka ugu badan ee Shabaabka, iyagoo ka soo tallaabaya Webiga Jubba ee mara deegaankaasi.

Ciidamada ayaa waxa uu ujeedkoodu uu u muuqdaa in ay kala jaraan Shabaabka lagu la dagaalamayo aagagga Harboole iyo Dhasheeg Waamo iyo gurmadkooda ka soo gudbaya Mareerey ee ka imanaya dhinaca Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Ciidamada oo toddobaadkii hore gudaha u galay deegaanada Miido iyo Harboole ayaa xilligaasi ku guuleystay inay go’doomiyaan maleeshiyaad ka tirsan kuwa Al Shabaab oo lagu ciriiriyay hawdka deegaanada Miido iyo Harboole, taasna ay keentay in culeysku uu u wareego dhinaca Dhasheeg Waamo oo xudunta dagaalka ah, Shabaabkuna ay gurmad u soo diraan jiidaha hore.

Cadaadiskan militari ee lagu hayo maleeshiyada ayaa Shabaabka ku riixay inay gurmad ka keenaan dhinaca Degmada Jilib, si ay ciidamada dagaal cusub uga furaan aagaggaasi, isla-markaana ay u fashiliyaan hawlgalka Dhasheeg Waamo, laakiin aanu gurmadkoodu waxba ka bedelin istiraatiijiyadda ay ciidamadu ku hawlgelayaan.

Shabaabka oo gacanta ku haya min Mareerey illaa Jilib ayaa weli ku foogan, sidii ay uga hortagi lahaayeen in laga qabsado Dhasheeg Waamo oo deegaan istiraatiiji ah, kana mid ah meelaha ay ka ilaaliyaan amniga Jilib.

Dhasheeg Waamo ayaa ahmiyad dhanka istiraatiijiyadda iyo maamulka u leh Al Shabaab, waana deegaan leh dhul kaymo iyo harooyin biyo, waana deegaan isku xira Afmadow oo Gobolka Jubbada Hoose ah iyo Jilib oo Gobolka Jubbada Dhexe ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc