Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa dhowr maalmood dib u dhigay Doorashooyinka Galmudug, ka dib markii guddigu uu maanta kulan la yeeshay Ururada Siyaasadda ee daneynaya doorashooyinka maamulkaasi.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan oo ay wehliyaan xubno ka tirsan guddiga iyo Ururada Siyaasadda ayaa si dhow uga wada hadlay geeddi-socodka doorashada iyo in dadka deegaanka loo diyaariyo, sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen doorashada tooska ah ee laga qabanayo deegaanada Galmudug.
Gudoomiye Kuxigeenka Urur Siyaasadeedka Qiimo Qaran, Maxamed Cabdullaahi Axmed oo ku hadlayay afka Ururada Siyaasadda ee la kulmay Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay inay ururadu codsadeen in maalmo dib loo dhigo doorashada, taasoo uu sheegay in guddigu uu aqbalay.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa Khamiistii muddeeyay waqtiga Doorashooyinka Galmudug, waxayna xilligaasi sheegeen in 20-ka bishan si isku sidkan loogu tartami doono Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo tan Golaha Wakiilada Galmudug.
Guddiga Doorashooyinka iyo Ururada Siyaasadda ayaa hadda isku raacay in maalinta codbixinta laga dhigo 25-ka July, sida uu Warbaahinta u sheegay Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka, xubina ka ah Urur Siyaasadeedka JSP, ka dib kulanka ay labada dhinac ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Guddiga Doorashooyinka ayaa isku diyaarinaya inay maamulaan Doorashooyinka Xubnaha Golaha Deegaanka, Xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo tan Hoggaamiyaha Galmudug, iyadoo dadweynuhu ay tahay inay codkooda ku soo doortaan Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Galmudug iyo weliba Xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoona Xildhibaanada Baarlamaanka ay dooran doonaan Hoggaamiyaha Galmudug.
Hoggaamiyaha Galmudug ayuu qorshuhu yahay in bisha August lagu doorto Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.
Doorashada qofka iyo codka ee Galmudug ayaa lagu wadaa inay ka qabsoomto 11 magaalo oo ka kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug, taas oo ay codayn doonaan dad gaaraya 215,860 qof oo isku diiwaangeliyay Doorashooyinka Galmudug.