Home Wararka Maanta Gaalkacyo oo lagu soo bandhigay ciidamo ku biiraya Ciidanka Xoogga Dalka (SAWIRRO)

Gaalkacyo oo lagu soo bandhigay ciidamo ku biiraya Ciidanka Xoogga Dalka (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidamo cusub oo ka mid noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta lagu soo bandhigay duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ka dib markii loo diiwaangeliyay in ay ku biiraan Militariga Somaliya.

Cabdiraxmaan Jabiin Faarax oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Puntland ayaa soo xiray diiwaangelinta ciidamadan, oo markii dambena lagu soo bandhigay Xerada Istanbul ee duleedka Gaalkacyo.

Dowladda Federaalka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ciidamo cusub ka qoraneysay Gobolka Mudug, gaar ahaan Magaalooyinka Galdogob iyo Gaalkacyo, tani oo qayb ka ah qorshaha Villa Somalia ee diiwaangelinta Guutooyinka Qaybta 54aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, waana xilli bishii June General Jimcaale Jaamac Takar loo magacaabay in uu noqdo Taliyaha Qaybta 54aad.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada cusub ee laga qoray Gobolka Mudug loo bilaabay mushaar iyo xuquuq joogta ah, iyagoona si toos ah uga amar qaadanaya Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhallinyaro fara-badan oo ku sugan Gaalkacyo ay diyaar u yihiin in ay isku diiwaangeliyaan ka mid noqoshada Ciidanka Xoogga Dalka.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa habeenkii Khamiista xaqiijiyay bixinta mushaarka ciidamada ka tirsan Xoogga Dalka ee ku sugan gudaha Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa dhawaan Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ciidamo ka qoraneyso deegaanada Puntland, isla-markaana ay maamulka ku hayso fara-gelin amni.

Puntland ayaa waxaa laga dareemay xiisadda ka dhalatay qorshaha Dowladda Somaliya ay ciidamada uga qoraneyso gudaha deegaanada Puntland.

Khilaafka labada dhinac ayaad mooddaa in uu meeshii ugu sarreysay gaaray, xilli Villa Somalia iyo Madaxtooyada Puntland ay isku mari la’yihiin arrimaha doorashooyinka dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc