Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta safar dhinaca dhulka ah ku tegay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Booqashadoodan ayaa la xiriirta xoojinta mooralka ciidamada ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al Shabaab iyo dib u soo celinta adeegyadii bulshada ee degmadaasi.
“Wasiirka iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa u kuurgalay xaaladda ciidamada iyo hawlgalada ka socda jiidaha hore, iyagoo bogaadiyay geesinimada, naf-hurnimada iyo dadaalka ay ciidamada ugu jiraan difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha argagixisada.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga oo intaa ku daray “Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaalada ay Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay kor ugu qaadayaan niyadda ciidamada, isla-markaana lagu dardargelinayo gulufka lagu xoreynayo deegaanada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada.”
Wasiir Fiqi, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo xubno ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa kormeeray Xarunta Maamulka Degmada Ceeldheer.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale kormeeray goobta loogu talagalay inay dadkii deegaanka ee isku diiwaangeliyay Doorashooyinka Galmudug ay ka qaataan kaarka codbixinta.
Masuuliyiintan oo la kulmay maamulka degmadaasi iyo odayaasha deegaanka qaarkood ayaa ugu baaqay inay dadka deegaanka ku jiheeyaan inay si mug leh uga qayb qaataan maalinta codbixinta ee Doorashooyinka Xubnaha Golaha Deegaanka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee la qabanayo 25-ka bishan.
Ceeldheer ayaa waxay ka mid tahay 11 magaalo oo Galmudug ah oo lagu wado in laga qabto doorasho qof iyo cod ah, taas oo noqoneyso doorashadii ugu horreysay ee toos ah ee ku dhawaad 58 sano ka dib laga qabto bartamaha dalka.
