Home Wararka Maanta Duqayn cirka ah oo lagu qaaday Shabaabka Gobolka Jubbada Hoose

Duqayn cirka ah oo lagu qaaday Shabaabka Gobolka Jubbada Hoose

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maalintii labaad si xiriir ah xagga cirka looga garaacay maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab, oo ku sugnaa deegaano ku dhow dhow Degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee saaxiibka caalamka ay Sabtidii duqaymo culus ka gaysteen deegaanada Jabi iyo Lagta Dhasheega Riqata oo ku dhow deegaanka Mugaanbow, oo ka mid ah meelaha ay Shabaabku ka ilaaliyaan amniga Degmada Jamaame.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in duqayn kale ay maanta ka dhacday tuulooyinka ku teedsan jiinka Webiga Jubba ee xiga dhinaca deegaanka Baar Sanguuni oo ciidamada ay ku sugan yihiin. Baar Sanguuni ayaa ku taala waddada isku xirto Kismaayo iyo dhulka ay Shabaabku maamulaan ee Gobolada Jubbooyinka.

Taliska Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa mar sii horreysay sheegay in duqaymihii shalay lagu dilay laba horjooge oo ka tirsanaa Al Shabaab, kuwaas oo taliska uu magacyadooda ku soo koobay Sheekh Xuseen iyo Burhaan.

“Sheekh Xuseen ayaa ahaa Madaxa Amniyaadka xuduudaha, halka Burhaan uu ahaa Madaxa waxa ay kooxdu ugu yeerto Fursaanta Jubbooyinka.” Ayuu talisku ku sheegay war qoraal ah.

“Sidoo kale, duqaynta waxaa lagu dilay 17 ka mid ahaa maleeshiyaadkii ilaalada u ahaa labada horjooge, kuwaas oo la socday xilligii weerarku dhacay.” Ayaa lagu yiri warka oo lagu xusay in weerarka ay fuliyeen Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM).

Gobolka ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, iyadoo Kumaandooska Danab oo garabsanaya Ciidanka Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay doonayaan in ay gaaraan xadka ay wadaagaan Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, si markii ugu horreysay ku dhawaad 19 sano ka dib ay gudaha ugu galaan Gobolka Jubbada Dhexe, halka Shabaabku ay dhankoodu wadaan isku dayo ay ku fashilinayaan hawlgalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc