Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa maanta hawlgalo amni xaqiijin ah ka sameeyay dhulka durugsan ee Gobolka Galgaduud, si ay uga fogeeyaan maleeshiyada Al Shabaab.
Ciidanka Danab ayaa hawlgaladan ka sameeyay deegaanada Galo Qundhar, Dhagdheer, Qanrar iyo Beero Bisle oo dhaca bariga Gobolka Galgaduud.
“Hawlgaladan oo ay fuliyeen Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa diiradda lagu saaray sugidda amniga, baaritaano iyo roondooyin lagu xaqiijinayo nabadgelyada, laguna baacsanayo kooxaha qalqalgelinta amniga.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Danab.
Xoogaga Ururka 163aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab oo hawlgaladan ku lug lahaa ayaa ka soo ruqaansaday Magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo saldhig ay ku leeyihiin.
Hawlgaladan ayaa qayb ka ah dadaalada bilowga ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida ee shacabka ku nool Gobolka Galgaduud.
Gobolka Galgaduud ayaa waxaa looga diyaargaroobayaa Doorashooyinka Galmudug ee lagu wado inay dadweynuhu ka codeeyaan 11 magaalo oo ka kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Shabaabka ayaa waxaa loo arkaa caqabadda ugu weyn ee dhinaca amniga ee carqaladayn karta doorashada soo socota ee maamulkaasi.
