Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Degmada Ceeldheer ku guddoomiyay shir la xiriira amniga deegaanada bariga Gobolka Galgaduud.
Shirkan oo ay ka qaybgaleen Saraakiisha Hoggaanka iyo Hawlgalada ee Ciidanka Xoogga Dalka qaarkood ayaa galabta looga hadlay, sidii loo adkayn lahaa ammaanka dhulka xorta ah ee bariga gobolkaasi, xilligan oo Galmudug ay ku soo fool leeyihiin doorashooyin isku sidkan.
War ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in sidoo kale shirka looga hadlay qorsheyaasha lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya deegaanada qaar ee gobolka.
“Shirka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hawlgalada lagu xaqiijinayo amniga iyo isku-dubaridka qorsheyaasha lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee weli ku dhuumaaleysanaya deegaanada qaar ee gobolka.” Ayaa lagu yiri warka.
Warka ayaa lagu sheegay “Masuuliyiinta ayaa warbixinno ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan furimaha, kuwaas oo ka xog waramay xaaladdaha amni, guulaha laga gaaray hawlgalada socda iyo qorsheyaasha xiga ee lagu sii xoojinayo nabadgelyada gobolka.”
Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Militariga ayaa ciidamada ku bogaadiyay doorka ay ka qaadanayaan sugidda amniga, iyagoona ku adkeeyay ciidamada baa warka lagu yiri inay sii laba jibaaraan dadaalada lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo badbaadada shacabka.
Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa isha ku haya maleeshiyada Al Shabaab, iyadoo uu jiro dareen gaar ah oo ku aaddan in maleeshiyadu ay carqaladayn karto doorashooyinka laga qabanayo deegaanada Galmudug.
