Home Wararka Maanta Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo lagu caleemo saaray Baydhabo (SAWIRRO)

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo lagu caleemo saaray Baydhabo (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Baydhabo kaga qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka ee Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Aadan Madoobe ayaa 10-kii bishii June lagu doortay Baydhabo, iyadoo ayna doorteen Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed. Aadan Madoobe oo noqday hoggaamiyihii 3aad ee ay Koonfur Galbeed yeelato ayaa xilka la wareegay 11-kii June.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyay qabsoomidda hannaanka dimoqraadiyadeed ee horseeday doorashadii taariikhiga ahayd ee ka dhacday Degmooyinka Koonfur Galbeed, isaga oo adkeeyay in iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu uu saldhig u yahay xasilloonida, amniga iyo horumarka dalka.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in doorashooyinkii nabdoonaa ee taariikhiga ahaa ee ka qabsoomay deegaanada Koonfur Galbeed ay astaan u yihiin jihada cusub ee Somaliya u qaadday dhanka dimoqraadiyadda, xasilloonida iyo dowlad-dhiska, waxa uuna carrabka ku adkeeyay in dalku uu ka gudbay xilligii ay doorashooyinku ku koobnaayeen dano gaar ah iyo siyaasado shaqsi ku salaysan.” Ayuu warka intaa ku daray.

Munaasabaddan ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre, Wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa, xubno ka mid ah Guddoonka Baarlamaanka Federaalka, Madaxweyneyaasha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc