Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xagga cirka ah oo maanta lagu qaaday ciidamada taabacsan Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ee tan iyo bishii May isku uruursanayay deegaanada qaar ee hoostaga Magaalada Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ay garaaceen bartilmaameedyo ku yaala duleedka waqooyi ee Baydhabo, isla-markaana ay ku sugnaayeen ciidamadaasi.
Sarkaal ka tirsan Booliska Baydhabo ayaa Universaltv u sheegay in duqayntu ay ka dhacday, inta u dhaxeyso deegaanada Ceeldoon iyo Haabare oo hoostaga Baydhabo.
Sarkaalkan oo ka gaabsaday in magaciisa la soo xigto ayaa ku andacooday in ciidamada taabacsan Laftagareen ay ku milmeen maleeshiyada Al Shabaab ee aagga ka ag-dhow, taasna ay keentay in dhanka cirka laga garaaco.
“Illaa saddex jeer ayaa la duqeeyay, waxaana lagu duqeeyay goob la ogaa inay ku wada sugan yihiin.” Ayuu yiri Sarkaalkan.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka ay ku naf waayeen dhowr ka mid ah taageereyaasha Laftagareen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Garabka Laftagareen oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa cambaareeyay duqaynta ka dhacday deegaanada ku dhow dhow Baydhabo.
“Dowladda Koonfur Galbeed Somaliya waxay si weyn u cambaareynaysaa duqaymaha ka dhacay deegaanada ku hareereysan Baydhabo iyo duulaanka qaawan ee uu ku soo qaaday Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud. Duqaymahaas ayaa lagu fuliyay diyaarado ay ka mid yihiin helicoptero, diyaaradaha dagaalka ee F-16 iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (daroonada), kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray dad rayid ah iyo hantidooda.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Dhanka kale taageereyaasha Laftagareen ayaa gelinkii dambe ee maanta tiro hoobiyeyaal ah ku weeraray gudaha Magaalada Baydhabo.
Hoobiye ku dhacay garaash ku dhegan Hotel Horyaal ayaa waxaa ku dhaawacmay qof shacab ah iyo nin askari ah oo sida la sheegay waddada marayay.
Hoobiye kale oo ku dhow meel u dhow bar kontorool oo Ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ah Hawlgalka AUSSOM ay ku leeyihiin waddada laga soo galo Hotel Horyaal ayaa waxaan jirin cid wax ku noqotay.
Hawada Magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran ayaa Isniintan lagu arkay diyaaradaha dagaalka Turkiga ee F-16, tani oo noqoneyso markii ugu horreysay oo dadka deegaanka ay arkaan.
Joogitaanka diyaaradahan ayaa ku soo beegmay, xilli Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada qaarkood ay Baydhabo uga qaybgelayeen munaasabadda caleemo-saarka ee Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).
Diyaaradaha Ciidanka Cirka Turkiga ayaa qayb ka ahaa dadaalada ay hay’adaha ammaanka ku sugayeen amniga magaalada iyo xafladda caleemo-saarka ee Aadan Madoobe.